Jan 5, (2013 (QOL)
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,midnimada
iyo cadaaladaodka inta damiirka,dareenka iyo qiirada wadaniyaded
leh qaranimo difaacida iyo midnimo illaalinta heeganka u
ah, waxaanu halkan hambalyo diiran uga soo gudbineeynaa
guud ahaanba gudigg Olombikadda Somalia oo dhawaan la doortay
gaar ahaan Gudimiyaha GOS Mudane-C/Laahi Axmed Tarabi oo
ah muwaadiin muddo dheer ku soo dhex jiray bahda Sportiga
kaalin weyn ka soo qaatay gaar ahaan dhanka k/Koleyga oo
Macalin sare ka ahaan jiray iyo Xoghayaha guud Mudane.
Duraan
Axmed Faarax oo ku caan ah dadaalka,kartidda iyo ka shqeynta
horumarin Ciyaaraha somaaliyeed, anagoo og duruufaha adag
iyo caqabada faraha badan oo hor yaal gudigga Olombikadda
Somaaliyeed waqtigan dhibkiisa leh hadana waxaanu u arkeenaa
doorasahda gudiggaas mid ahamiyad weyn loona baahan yahay
in dib loo soo dhiso qaab dhismeedkii ciyaaraha somaliyeed
lana gaarsiiyo maamuladda dalka ka jira anagoo si weyn u
qadarineeynaa waayo aragnimada xubnaha GOS.
Inkastoo aanu arrin ayaan daradeeda leh u
arkeeno in aanu gudigga ka muuqan magacii halyeey-Cabdi
Bille Cabdi kuna rajo-weyn in GOS halyeeygaas u aqoonsan
doonto Ambasatorka Ciyaaraha Somaaliyeed,halka maqaam gaar
ahaaneed in la siiyo yeey mudan yihiin shakhsiyaadka halkan
ku xusan:-
Ustaad-Axmed Cabdi Daahir(Axmed Shell).
Xidiga Qaran-Ibraahim Shaash.
Xidig Qaran- Axmed Nuur Jeenyo.
Xidig Qaran- Murudii Abu-Nuur.
Xidig Qaran- Mukhtaar Cutti.
Xidig Qaran- Macalin Jiftiin.
Xidig Qaran- Macalin Shiine Guhaad.
Xidigta Qaran- Shukri Dhal-baas.
Xidigta Qaran- Dahabo Qaran.
Xidig Qaran- Daahir Cali Kulmiye.
Xidig Qaran- Dr.Cabdi Calasoow Raage.
Xidig Qaran- Axmed Daahir.
Ustaad- Maxamed Saalax Axmed(Charless).
Xidig Qaran- Axmed Tigaana.
Xidig Qaran- Xassan Aweys Joorje iyo shakhiyaadka dhigooda
ahb.
Gunaanadka qormadan waxaanu u rajeeyneeynaa gudigga cusub
GOS guulo wax ku ool ah iyo in eey la yimaadaan waxqabad
qiimihiisa leh una adkeeystaan ka gudubka caqabada badan
oo ka hor imaan karaaya ama hor taaganba,loona baahan yahay
in bahdda Sportiga Somaaliyeed qurba jooga ah in eey gacan,
taageero,talo iyo waayo aragnimo iyo taakuleeynba u fidiyaan
sida ku haboona isu garab taagaan gudiga cusub GOS,sportiga
ayaa kaalin-weyn ka qaadan karaaya wacyi gelin dhalinyarada,
ka fogaanshaha agaalada,naceeybka,colaada,ka fogeenta dadka
iyo guud ahaanba waxyaabaha dhaawacooda leh,isla markaana
keeni karaaya abuuridda waji wanaagsan iyo kobciinta caqliga
dhalinyaradda.
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
Jan-06-2013.