Dab Gobollo Waddanka Australlia ka mid ah ka holcay oo kumanaan qof baro kiciyey qaar kalana go’doomiyey.

Jan 5, (2013 (QOL) Kumanaan qof ayaa ka qaxaya gobolka Tasmania Jaziiradda ah kuna yaalla koonfurta Wadanaka Australia dab xooggan oo ka kacaya tan iyo Jamcadii hore dartii, Dabkan oo inta la hubo uu ku geeriyooday hal qof ayaa ka dhashay sare u kac ku yimid heer kulka dalka Australia oo ku jira xilli aad u kulul.

Qaxan ayaa saameeyey kumanaan qof oo dal xiisayaal u badanaa kuna sugnaa gobolka waxaana la sheegayaa in qaar badan oo ka mid ah laga daad gureeyey halkaas iyadoo dhinaca badda gurmad looga sameeyey
Qeybo badan oo dadkan ka mid ah ayaa ku go’doonsan gudaha gobolka halka qaar kalana la isugu geeyey meel 50 KM ka baxsan Hobart oo ah caasimadda gobolka.

Sidoo kale meelaha ilaa hadda sugaya in gurmad loo sameeyo waxaa kamid ah Magaalada Bort-Earth oo ay ku go’doonsan yihiin in ka badan 700 oo dalxiisayaal ah iyo dad dagaanka sii daganaa intaba iyadoo dadkaas cunno loo qeybiyey ilaa hadana aaney helin bad baadintii ay codsadeen
Waxaa manta lagu qeybiyey ilaa sadex kun oo ah raashin bisil oo la geeyey goobaha ugu dhibka badan ee gobolka ku yaalla oo ay kamid tahay Bort-Earth.

Dabkan ayaa baa,biiyey in ka badan boqol guri halka ay magaalada DONNELLYoo 55KM u jirta Hobart weydey sadex meelood guryihii ka dhisnaa ayna bas beeleen iyo waliba tuulooyinka ku aga dhaw dhaw oo ay u badnaayeen dad kalluuumeysato ah in kasta oo ilaa hadda aan laga soo sheegin wax dhimasho ah oo dagaankaas ka dhacday dabkan dartiis.

Khubarada dalkaas ee saadaasha hawada ayaa ka digay in kuleyl badan jiri doono maalmaha soo socda waxeyna sheegeen in magaalada Hobart heer kulkeedu gaadhi doono in ka badan 39 halka Melbuorne laga yaaabo inuu gaadho ilaa 41c.

Adelaide iyo Sewell-Drink ayaa la sheegayaa inuu gaadhi doono heer kulkoodu 44
Sisku soo wada duuboo heer kulka Australia ayaa markii ugu sareysey ee la xasuusto taariikhda gaadhey 50.7 oo aheyd sanadkii 1960 kii waxayna khubaradu ka walaacsan yihiin inuu halkii waagaas gaadho ama ka sare maro.

Daljir Keyd
Qorahay Media

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online