Jan 6, (2013 (QOL)
Wararka laga helayo Magaalada Godey ee
xarunta Gobolka Shabeelle ayaa sheegaya xaalada aad u qasan
oo Magaalada Godey kataagan, intiinii warkii hore akhriday
saraakiisha gumaysiga ayaa qaar shacabka Godey ka mid ah
ku amray in ay ka guuraan lana duminayo 1800 oo guri oo
isugu jira rugo ganacsi & guryo caadi loo daganyahay.
Sida ay dad Magaalada Godey ku sugan Qorahay
Media u xaqiijiyeen shalay ayay ahayd xiligii kama dambaysta
ahaa ee loo qabtay in ay shacabku guryahaas kaga guuraan
arinkaas ayay dadkii guryahooda lagu soo duulay ka biyo
diideen waxayna ku adkaysteen in aysan meel ay u guuraan
garanaynin.
Hadaba saaka aroortii hore ayay dadku ku waabariisteen
ciidamo ka mid ah kuwa Ina Iley ee askarta gumaysiga lagu
dhaaraamo (Hawaarin) waxayna dadka gurayaha laga duminayo
ku amreen in ay baneeyaan, arinkaas oo ay shacabku ka dhiidhiyeen
ayaa isu badalay waji dagaal, shacabka oo u muuqda Waraabe
daalay dirirtiisaa loo tagaa ayaa si cad oo badheedh ah
uga horyimid talaabadan bahalnimada ah ee la doonayo in
lagu baro kicinyo.
Sida ay dad aad xog ogaal u ah oo Magalada
Godey ku sugan Qorahay Media u xaqiijiyeen xaalada ayaa
faraha ka bixi gaadhay waxaana arinta guryo duminta Hawaarinta
kala wareegay ciidamada Tigreega oo xaafadaha ,magaalada
si xad dhaaf ah loogu sii daayay.
Sikastaba ha ahaaatee shacabka Magaalada Godey
ayaa aad u gadoodsan waxayna arintaasu cabsi weyn ku abuurtay
ciidanka gumaysiga ee sii cadceedsanaya oo in ay arintu
ladurogto ka baqadin qaba lamana garanayo sida uu xaalku
ku dambayn doono.
Arimaha guryaha Godey laga duminayo ku saabsan
& guud ahaan xaaladaha kala duwan ee Ogaadeenya wixii
ka soo cusboonaada wararka dambe kala soco
Dhimbil Guure
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com