Jan 6, (2013 (QOL)
Waa mar kale & Barnaamijkeenii xiisaha
gaarka ah lahaa ee Garyaqaan oo aanu ku soo qaadan doono
sheeko run ah oo dhex martay Mr. Garyaqaan oo ah shaqsiga
Barmaajika loogu magacdaray islamarkaasna daadihiya &
nin lagu magacaabo Magabe oo ka mid ah
dadka Ogaadeenya u dhashay ee dabayshii gumaysigu uu buufinay
ee Nabada loogu magac daray ay wadamada qubaha ka dhufatay,
hadaba waraysiga dhex maray Mr.Garyaqaan &
Magabe sidan ayuu u dhacay.
Garyaqaan:
adeer Magabe marka hore soo dhawoow
Magabe waan dhawahay waanan
kuu mahad celinayaa
Garyaqaan: waxaad ka mid
ahayd dadkii qurbaha ka yaacay ee Ogaadeenya tagay saw sidaas
ma aha?.
Magabe Haa adeer waa sidaas
Garyaqaan: inta aynaan wax
kale ka hadlin ujeedadii qurbaha looga yaacay maxay ahayd?
Magabe: adeer qurbe ka hayaanku
ujeedo badan ayuu iska ahaa dawlada Atoobiya dan ayay qorshahaas
ka kalahayd siyaalo kaladuwana waa looga faa’iidaystay
Garyaqaan: dadku sidee ayay uga faa’iidaysteen
maxaase lagu macnayn karaa?
Magabe: dad badan oo qurbaha ka yaacay
waxay ahaayeen dad aan wax siyaasad ah lug ku lahayn balse
intooda badan qurbaha ayay ku daaleen waxaana dadka haysay
dal-tabyo aan la qiyaasi karin marka hadde Atoobiya oo iyadu
dhari kale wax ku karinaysay ayay dadkaasu u been guureen
waxaana la boobay Tigidho bilaash ah oo ay dad badani ku
dhoofeen.
Garyaqaan: adigu safarkii Jigjia maxaad
ka faa’iiday?
Magabe: adeer sadex shay ayaan faa'iiday
sadexna waan khasaaray
Garyaqaan: saxedii shay ee aad safarkii
Jigjia ka faa'iiday maxay kala ahaayeen
Magabe: sadexdaan faa'iiday waxay ahaayeen
1.Waxaan dhulkii soo moogaa mudo 35 sano ah fursad weyn
ayayna ii ahayd in aan mar uun cagaha dhigo meel dhulkaygii
hooyo kamid ah.
2.Waxaan qabaa xanuuno faro badan oo dadka waaweyn ee qubaha
jooga badan kood ay la rafaadsanyihiin waxaanan helay caafimaaday
markii aan Jigjiga tagay taasi waxay ahayd faa'iidado weyn
oo aan helay.
3.Waxaan soo ogaaday waxyaalo badan oo aanan xaqiiqo ahaan
uga war haynin oo in badan si kale la iigu sheegi jiray.
Garyaqaan: sadexdii aad khasaartay iyaguna
maxay ahaayeen?
Magabe: Adeer waxaan khasaaray sadex shay
oo in aan lumiyo aanan marnaba ku talo galin,
1.waxaan khasaaray Tigidhkii aan ku dhoofay oo aan markii
hore islahaa waa lagaa bixinayaa oo dadka boobayay ayaad
ka midtahay
2.waxaan markaan baxayay sii raacay dad aad u hooseeya oo
waligood xabashi lajoog ahaa waxaana igu dhacay sawir fool
xun oo aanan isna markiiba raali ka ahayn oo sumcadaydii
ayuu si weyn u dhaawacay taasina waa igu khasaare
3.wixii iigu muhiimsanaa een u baxay waxay ahayd in aan
soo arko duqdii Hooyaday ahayd oo cad ah isla markaasna
aanan 22 sano arag balse kuma aanan guulaysanin oo iyana
waan gaadhi kari waayay taasina waa khasaarihii ugu cuslaa
ee safarkaas iga soo gaadhay.
Garyaqaan: oo maxaa Tigidhkii laboobayay
kaa qadiyay?
Magabe: sababta Tigidhkii iga qadisay
waxaan uun u maleeyay in ay la xidhiidho kalsooni la'aan
la iga qabay maxaa yeelay anigu kolkaa uunbaan bahasha ku
soo boodaye horay amxaaro la daaq uma ahayn ragga waxan
qabqablayaasha ka ahaana rag aanu is naqaano ayay ahaayeen
waxaana markii hore la igu yidhi Jigjiga marka la tago ayaa
kharashka kaa baxay laguu celine is dabar waxaanse wax fahmay
kolkaan Jigjiga tagay ee huuhaa mooyee wax kale aan arki
waayay.
Garyaqaan: huuhaa maxaad ula jeedaa?
Magabe: waxaan meesha ugu tagnay &
wixii nalagu qufayay ayaa aad u kala duwanaa waxaana naloola
dhaqmay sidii dad aan wax garanaynin waxaa naloo diiday
in aanu si xor ah wadanka meeshii aanu doono u soo aragno
maalmo faro badan ayaanu codsanaynay in aanu aragno maxaabiista
Jeel Ogaadeen ku jirta oo aniga igu kululayd, sidii naloo
meermeerinayay ayaa maalin dambe naloo geeyay dad yar oo
aad u bahdilan balse sidii iyagoo filim jilaya harqaano
& dharyo hilbo lagu karinayo ladul fadhiisiyay waxayna
ahayd maalintaasu maalintii aan waxwalba fahmay iiguna farxada
& naxdinta badnayd.
Garyaqaan: farxada & naxdinta wada
socda maxaa keenay?
Magabe: Waxaan ku farxay in aan arko xaqiiqada
aanan horay uga dharagsanayn ee dadkayga & dalkaygu
ay ku suganyihiin taas oo xaalada maxaabiistaas uun laga
dheehanayay, waxa aan aadka uga naxayna wuxuu ahaa maxaabiista
sidii filimka aanu u daawanaynay waxaa ku jiray dad waayeello
ah & caruur yaryar oo aad u itaal daran waxaana kamuuqatay
tiif & darxumo waxaanan si gaar ah ula xanuunsaday gabadh
aan da'deed ku qiyaasya 15-17 oo qurux u dhalatay taas oo
la kor fidhiisiyay harqaan aysan maalinkaas ka hor arag.
Gabadhu waxay si xeel dheer noogu soo gudbinaysay xaqiiqada
jirta & shaqadan ay maanta haysaayi in ay ku cusubtahay
mararka qaar gabadhaa yari illin aysan kontorooli karin
ayaa soo dhaafaysay waxaanan aad uga walabhaaray waxa gabadhaas
yar ay ka turjumaysay oo ahaa matalaad run nalooga dhigayay.
Garyaqaan: waan kaaga mahadcelinayaa wakhtiga
aad na siisay wanan sii wadan doonaa waraysigan hadii Eebbe
idmo.
Magabe: anga ayay tahay in aan aad kuugu
mahadceliyo diyaar ayaanan uhay in aan cadhada i haysa furfuro.
La soco qaybaha dambe ee barnaamijka
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com