Jan 7, (2013 (QOL)
Waxaa maanta Shir sifiican loo soo agaasimay
isugu timid Jaalida Somaalida Ogadenia ee Barica Africa
Xarunteeda Nairobi, Shir kaasi oo ahaa shir Bishiiba Halmar
Jaaliyadu isugutimaado.

Shirka ayaa kadhacay Holka Shirarka Hotellka Karmal oo
ku yaalaha Dagmada Kamankunji Gaar ahaan xaafada( Islii
)ay Somaalidu ku badantahay. Shirka Jaaliyada Somaalida
Ogaadeeniya oo bilowdey Saacada Bariga Africa markii ay
aheed 8:30PM waxaa furay Gudoomiya ku xigeenka Jaaliyada
Barica Africa Mudane Deeq Cali Faraax . isagoo ugu horeen
halkaas aad uga mahadceliyay ka soo qeyb galayaashii shirka
iyo masuuliyiin ka mid ah madaxda JWXO oo shirkaasi marti
ku aheed.

Intaasi kadib waxaa laguda galay Ajandayaashii Shirkan
loo Qabtay waxaana kamid ahaa:
Warbixin ku saabsan Dhacdooyinkii udan beeyay ee Gudaha
Ogadenia,Howlaha Halganka Ogadenia ee ka socda Wadanka dibadiisa
iyo warar ku saabsan Jaaliyada Somaalida Ogadenia ee bariga
Africa, waxayna warbixinta xubnuhu ka qaadan hayeen Gudoomiya
Jaalida Somaalida Ogadenia ee wadanka Kenya Mudane Ahmed
Farah mahamud.
Waxaa kale oo shirka ka soo qeyb galay Sida kor ku xusney
Masuuliyiin kamid ah JWXO oo iyaguna halkaasi ka soo jeediyay
Qudbado aad u Qiima badan oo runtii badashay Dareenka ka
soo Qeyb galayaashii shirkaasi ay Xarunta jaaliyadu isugu
timid.

Shirkan oo si habsamile u daadihin hayay Gudoomiye ku xigeenka
Jaalida Ogadenia ee wadanka Kenya Mudane Deeq Cali Faraha
ayaa waxaa kamid ahaa Masuuliyiintii sida diiran makara
foonka ugu soo dhaweeyay Hogaanka Arimha Siyaasada Jaaliyada
barica Africa ,Hogaanka Dhaqaalah iyo Hogaanka Arimaha Bulshada
jaaliyada Somalida Ogadenia. waxayna dhamaantood sidiiran
uga hadalee xilalka ay uhayaan shacabka Ogadenia ee ku dhanqan
Kenya iyo sidii shacabku shaqada ay hayaan ugu Garba istaagi
lahaayeen.

Waxaa kale xusid mudan in Xoghayaha Ururka OYSU Mudane
Faysal Abdi Hussen oo 23-Dec-2012 Loo doortey Xilka Xoghaye
nimo ee OYSU Barica africa manta Halkaasi ku soo bandhigey
Gudidii fulinta OYSU majaraha uqaban laheyd 2013ka.
Isku soo duuboo shirka manta ay qabatey jaaliyada Somaalida
Ogadenia ee wadanka Kenya ayaa ahaa shirkii bilaha ay jaaliyad
bishiiba halmar isugu iman jirtey, waxaana manta ka muqatey
shir Dardar horle iyo Abaabul dheeraad ah uu maa,mulku Jaalidu
soo bandhigey.

Askari Abdullahi
Nairobi, Kenya
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com