Wuxuu kaloo shirku is la gartay in maamulka itoobiya uu
ku yahay caqabad xasiloonida, nabadgalyada iyo horumarka
ka shucuubka iyo dalalka Geeska Afrika, sidaa daraadeed
loo baahan yahay in la iska kaashado sidii ujeedooyinkooda
guracan loo dhicisayn lahaa.
Shirku wuxuu si aad ah u qiray ugana tiiraanyooday sida
waxashnimada leh ee taliska gumaysiga iIoobiya ugu tumanayo
xuquuqdooda siyaasadeed, dhaqaale iyo bani’aadanimo,
wuxuuna ugu baaqayaa dowladaha caalamka in ay qaadaan talaabooyin
lagu badbaadinayo shacabka la ciribtirayo.
Frankfurt, Germany
January 6, 2012