Madaxa Gogaanka HAAB ONLF oo kadagay Johannesburg –South Africa

Jan 7, (2013 (QOL) Waxaa Caawa Garoonka Caalamiga ah ee Johannesburg International Airport ka soo dagay wafti uu hogaaminaayo Hogaanka Arimaha bulsha & Abaabulka Jabhadda wadaniga Xoreynta Ogadeniya (JWXO) Mudane Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane).

Wafdigan oo ka soo kacay magaalada Cape Town ee Gobolka Western Cape ayaa waxaa sidiiran u soo dhaweeyay maamulka Jaaliyada Ogadeniya Faraceeda magaalada Johannesburg & masuuliyiin kale oo ka tirsan xubnaha Jaaliyada Ogadeniya ee wadanka South Africa , masuulkan ayaa in mudo ahba ku sugan wadanka South Africa islamarkaana u jooga hawlo kormeer oo isugu jira Arimo farabadan & sidii kor loogu sii qaadilahaa halganka uu shacabka Somalida Ogadeniya kula jirro gumaysiga madaw ee soo jireenka ah ee Itoobiya, halgankaas oo ay hogaaminayso Jabhadda ONLF laguna doonaayo in lagu Xoreeyo Dhamaan dhulka Somalida Ogadeniya.

Hadaba Mudane Sheekh Maxamed Cabdi Yaasiin ayaa horay u laqaatay kulamo & Shirar waa weyn bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku nool wadanka South Africa ku waas oo isugu jiray Somaali & Ajnabi, Hogaanka ayaa lakulmi doona Todobaadkan fooda inagu soo haya Ururada ka hawlgala isla wadanka South Africa kuwa Dawliga ah & kuwa maxaliga ahba.

Xayi Yare
Pretoria
South Africa
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online