Jan 8, (2013 (QOL)
San Diego: Waxaa maalintii shalay ee taariikhdu
ahyd bisha January 6, 2013 lagu qabtay magaalada San Diego
ee gobolka California munaasabad lagu maamuusayo sannad
guuradii 13aad ee saxaafadda Qorahay. Munaasabaddan ayaa
waxaa kasoo qaybgalay dhamaan ururada bulshada ee Jaaliyadda
Soomaalida Ogadenia ee San Diego, waxaana si khaas ah loogu
marti qaaday fanaanka weyn halgame Maxamud Cabdi Cumar Jaango.

Xafladdan ayaa waxaa ka hadlay wariyaha Qorahay Media ee
dalka mareykanka mudane Cabdirahman Hollywood oo isagu soo
bandhigay taariikhda warbaahinta Qorahay iyo waliba marxaladiihii
ay soo martay tan iyo markii la aasaasay. Ujeedaduna ahayd
iney u adeegto isla markaana noqoto codka shacabka dulman.
Tan iyo intii ay dhisneyd Qorahay Media waxay dunida dacaladeeda
ka abuurtay wariyayaal iyo hawl-wadeeno taya leh. Kuwaas
oo mar walba soo bandhiga barnaamijyo xiisa leh iyo waliba
warar hufan.
Waxaa kale oo uu wariyihu u mahad celiyey dhamaan wariyaasha
iyo hawl-wadeenada Qorahay Media gaar ahaan agaasimaha Qorahay
Media halgame Maxamed Ibrahim oo ah aasaasihii warbaahintan.
Maxamed runtii wuxuu maal, muruq iyo masxba u huray sidii
warbaahinta Qorahay dunida ugu soo bandhigi lahayd xasuuqa
iyo tacadiyada uu gumeysiga Ethiopia ku hayo shacabka Soomaalida
Ogadenia.
Waxaa
isna goobta ka hadlay halgame Cabdullahi Cumar Feen oo isagu
ku hadlayey magaca ururka Odayada San Diego. Waxaana hadaladiisa
kamid ahaa “hadal kuma soo koobi karo waxa ay saxaafadda
Qorahay u qabtay umadda dulman ee Ogadenia, waxaana leenahay
Hambalyo! Hambalyo! guuleysta”
Waxaa kaloo goobta ka hadlay halgame Maxamud Cabdi Cumar
Jaango oo isagu soo bandhigay gabay uu ku cabirayey dareenkiisa
ku aadan saxaafadda Qorahay Media.
Ugu dambeyn jaaliyadda Soomaalida Ogadenia ee San Diego
ayaa iyagu dhamaanba hambalyo iyo bogaadin udiray bahda
Qorahay Media isla markaana ku dhiiri galiyey ineysan waligood
ka daalin hawsha ay u hayaan shacabkooda.

Video ga munaasabadan kol dhow kala soco qorahay media.
Qorahay Media
San Diego, USA,
Qorahay99@yahoo.com