Jan 8, (2013 (QOL)
Shalay waxaa magaalamadaxda South Africa ee Pretoria kafurmay
wareegii 2aad ee kulamadii abaabulaaa ee baryahanba ka socda
dalka Koonfur Africa. shalayto kulanka dhacay wuxuu ahaa
Siminar aqoon korodhsi ah inkasta oo xubnihii ka soo qaybgalay
qaarkood ay ku tilaamaameen inuusan ahayn Siminaarkaliya
oo uu ka baaxadwaynaa.

Kulankan wuxuu kamid yahay kulamo xidhiidh
ah oo Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Bulshada JWXO iyo wufuud
kale oo katirsan hawlwadeenada Jaaliayda Ogadenia ee Koonfur
Africa ay kuqabanayeen dhamaan gobolada iyo magaalooyinka
waawayn ee dalkan.

Naftiihure Shiekh Maxamed Abdi Yaasiin wuxuu
la-wadagaagay xubnaha Jaaliyada, oo tiradoodu aad ubadnayd
aqoon aad qaali u ah oo ku saabsan isticmaalka maskaxda
fayaw ee aadama iyadoo uu si xeel-dheeri leh u faahfaahiyay
hababka loo maamulo hawlaha, loo qorsheeyo, loofuliyo, laysuguna
xidho.

Wuxuu sidoo kale sheekhu si fuhan sharaxaad
ugu siiyay xubnaha ku sugnaanta iyo ku sifawga dhaqamada
ururka ee toosan Xubnaha kaqaybqaadayanay siminaarka oo
tiradoodu aad u badnayd ayaa ku tilmaamay in siminaar kaliya
aan lagu sheegi karin kulamkan balse ay kamid ahayd xogwaran
iyo wacdi diini ah oo waxbadan kusiyaadiday xubnaha qalbigooda.
Siminaarka oo furmay 08/01/2013 ayaa loo qorsheeyey inuu
soo xidhmo 9ka bishan January hadii eebe idmo barito iyadoo
ka qaybgalayaashuna aad ugu heelan yihiin siiwadida duruusta
noocan ah, Dhanka kale waxaa isbuucan dhexdiisa la qorshaynayaa
muxaadarooyin diini ah oo Sheekhu ka jeedin doono goobaha
diinta sida masaajida iyo madaarista gobolkan Gauteng.





Qorahay Media
Pretoria, South Africa
Qorahay99@yahoo.com