Cambaareeynta Xasuuqa Ka Dhacay Magaalada Seylac.

Jan 9, (2013 (QOL) Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed ee Nabada,midnimada iyo cadaalada codka difaaca xaqa,xurmadda iyo xuquuqdda bin aadamigga si toos ahna isha ugu haya xaaladda ka jirra dalka hooyo,
waxaan qoraalkan rasmiga ah ku cambaareeyneeynaa falka foosha xun,xadgudubka ah,tacadiga ah awood adeegsiga ah oo Ciidmadda Xoogga Maamulka S/Land ku xasuuqeen dadka radiyadka ah hab nabadeedka u cabiraayeey codkoodda iyo rabitaankooda magaalada Seylac,falkaas oo keenay dhimasho
iyo dhaawac badan iyo jir dil-ba.

Arrintaas ayaa ka turjumeeysa ama qeexeeysa sawirka dhabta ah ee Rajiimka Hargeeysa fadhiya oo horeba colaad,weerar iyo duulimaad ka wadeey degaamada Khaatumo State iyo Maakhirland tusaale ahaan xasuuqyadii:
Kalshaale.
Sool-joogto.
Meeygaagle.
Laasacaanood.
Widh-widh.
Xudun iyo degaankeeda oo ilaa hadd socda.
Dulaamadii Barigga Sanaag iyo Heyland.
Tacadiyadii faraha badan Ceerigaabo.
Laacaanood tacadiyo-Dil-dir jil iyo xoriyad ka qaadid.

Sidoo kalle rajiimka Hargeeysa waxeey tacadiyo hab isir ah ka geeysteen xaafadda Axmed dhaga hargeeysa,magaalada Boorama waxaa ka dhacay xadgudubyo badan oo dil,xoriyad ka qaadiid iyo dhaqan cadoownimo ku saleeysan dhammaan falakaas ayaa lid ku ah xoriyadda iyo xaquuqdda bani-aadamka waana kuwo gelaaya liiska diiwaan gelinta ku xadgudubka xaquuqdda Dadka hadii allah idmo lagula xisaabtami doono kuwa sidda tooska ah ma dadban masuuliyadeeda u leh.

Sidoo kalle waxaa cambaareeyn mudan warbaahinta iyo saxaafada ka gaabiyeey soo bandhigidda xaqiiqada jirta ama si fududeeyn ah wararka u shaagaaya,iyagoo arrintaas garab ku siinaaya kuwii geeysteey waana arrin fool-xumadeeda leh siiba(Laanta Af Somaaliga BBC,VOA-ka,UniversalTV iyo qeybo kaleba.

Waxaa hale oo cambaareeyn culeeyskeedda leh mudan hogaanka sarre dowladda federaalka iyo Marwadda Wasiiradda Ar.Dibeda oo si cad uga aamustay sheefida ama cambaareeynta xasuuqaas iyo kuwa dhigiisa ah oo degaamadda Sool ka dhacaya,waana u masuuliyad xumo,damiir xumo iyo qabyaalad cad(ayaan darro) sidoo kalle waxaa xasuuqda Seylac gacan weyn ku leh nidaamka Keli-taliska ah ee Jabuuti,waxaa iyana dhaliil culeeyskeeda leh mudan ururadda sheegta illaalinta xaquuqda dadka kana jirra gudaha S/Land iyo kuwa Somaaliweynba oo ka gaabiyeey gudashadda masuuliyadooda lana ora karaayo waaba ka raali dhibaatooyinka meelaha qaarkood ka dhacaaya.

Xafiiska Illaalinta Xaquuqdda Dadka.
Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda Midnimadda Iyo Cadaaladda.
Jan-09-2013.



   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online