Jan 10, (2013 (QOL)
Wararka naga soo gaadhaya magaalada JigJiga ayaa sheegaya
in maalmahanba laga waday Magaalada JigJiga wax ay ugu yedheen
“Quruxda Dumarka” taas oo dumar
badan isugu yedheen ayaga oo qaa-qaawan oo maryo quman aan
qabin waxaana Hool weyn oo ku yaalama magaalada JigJiga
ka soo buuxiyeen shalayto dadbadan oo daawanahay muuqaalka
gabdhahaas qaa-qaawan oo is luxayay.
Waxaa
qorshahaas go’aankeeda iska lahaa sida ay shegeen
Wakiilada Gumaysiga u shaqeena ee uu horjoogaha u yahay
Abdi Ubo, Kaligii talihii dhintay ee Melez Zanawi waxayna
shegeen in ay fulinayaa qorshahan oo kamid ahaan qorshayaashii
uu la maaganaa shacabka Ogaadeenya, arintas oo ay kamid
tahay in uu ku sameeya dhaqan wareejin. Sidoo kale waxay
shegeen dhaqaalaha ka soo baxaya gabdhaha ladaawanayo in
loogu tabarucayo biyo xidheenkan Abaay kaas oo loo la’yahay
lacag.
Arintan oo ah arin ku cusub shacabka Ogaadeenya
ayaa markii laga soo daayay TV Universal waxay yaab &
Afkala qaad ku noqotay dhamaan Umadda Muslimiinta ah ee
daawanayay waana arin si weyn uga cadhaysiisay dad aad u
badan oo daawanayay TV, Waxayna arintan makhraati u tahay
in ay Itoobiya ka go’an tahay dhaqan badal in lagu
sameeyo shacabka Ogaadeenya oo caanka ku ah ilaalinta dhaqanka
wanaagsan oo ku xidhan diinta Islaamka.
Magaalada JigJiga oo lagu dhigayay waxa ay
ugu yedheen “Quruxda Dumarka” ayay
bulshadu aad u yaaban tahay mar aan maanta xidhiidh la samaynay
qaarkamid dadka dagan magaalada ayay naloosheegay in ay
arintan ka wada fajicisay dhamaan bulshada, sidoo kale waxaa
lagu wadaa in ay culimadu ka hadlaan arintan dhaqan xumada
ah ee diintooda & dhaqankoodaba lagu dhaawacayo.
Waxaa horaan aad loola yaabanaa dadkii ay
intay soo shiriyeen ay ku qasbayaan wax dhaqanka ka fog
kaas oo qofkii aan dhihina uu ciqaab mudanahay. Wixii ka
soo kordha kala soco Qorahay Media.
Qorahay Media
JigJiga Ogadenia
qorahay99@yahoo.com