Itoobiya oo la anfariirtay Wariyaasha Qorahay Media ee Gudaha Ogaadeenya ka soo waramaya.

Jan 10, (2013 (QOL) Wararkan naga soo gaadhaya Magaalada JigJiga ayaa sheegaya in aad laysu waydiinayo Barnaamijyadda Muuqaalka ah ee ay warbaahinta Qorahay Media ka soo diyaarisay gudaha Ogaadeenya. Sida ay noo xaqiijiyeen dad ka agdhow Gumaysiga Itoobiya ayaa noo sheegay in ay aad uga cadhaysiisay Itoobiya Barnaamijyadda Muqaalka ah ee maalmihii u dambeeyay ay tabinaysa Qorahay Media kaas oo ay si toos ah uga soo gudbinayeen Wariyaasha Qorahay Media ee gudaha Ogaadeenya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ay magaalada JigJiga yimadeen saraakiil Wayaane ah oo baadhaya arintaas ayaga oo Wakiilada ku canaantay sababta keentay in ay Qorahay Barnaamij ka diyaariso gudaha Ogaadeenya ayada oo caalamka oo dhan laga daawaday, waxaana la sheegaya in ay wadaan su’aalo ay meelo kamid ah Ogaadeenya dadka ku waydiinayaa waxa sababay.

Waddanka Ogaadeenya ayaa ah dhul ku jira gacan gumaysi waxayna Itoobiya ka mamnuucday dalkaas in ay galaan wax wariyea ah, wariyaal ajinabi ah oo isku dayay in ay barnaamijyo ka diyaariyaan ayaa xabsiga loo taxaabay marar kala duwan waxaana mamnuuc ah in uu wadankaas tago wariye.

Warbaahinta Qorahay Media ayaa markii ugu horaysay Taariikhda Ogaadeenya barnaamij toos ah ka soo tabisay oo muqaal ah taariikhdu markay ahayd 27/12/2012 ayada oo warbaahintu soo bandhigtay Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya oo la hadlay Warbaahinta Qorahay Media wuxuuna barnaamijkaas noqday midkii ugu xiisaha badnaa ee ay shacabka Ogaadeenya maqlaan waxayna dadweynuhu soo gaadhsiyeen Qorahay Media fariimo ay ugu Hambalyaynayaa in ay Qorahay Media noqotay Warbaahin daaha ka furtay cabudhinta saxaafadeed ee ay umadaasi ku jirto.

Isku soo wada duboo arintan ay Warbaahinta Qorahay Media ku soo bandhigtay xaaladda Ogaadeenya ayay aad uga cadhaysiisay Itoobiya oo in badan dada xaqiiqada dhabta ee ka jirta Ogaadeenya waxayna ciidamada Gumaysiga Itoobiya ka wadaan Ogaadeenya kufsi, dil, boob, & xadhig joogta ah mana jirto cid Itoobiya ka xisaabtamaysa kumanaanka u xaraysan & kumanaanka ay ka soo bara kicisay dalkodii oo wadamada dariska ah qoxooti nimo ku jooga.

Darwiish Macalim
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com

 



   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online