Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed nabada, midnimada iyo cadaaladda

Jan 10, (2013 (QOL) codka xaq difaacida,qaranimo iyo midnimo illaalinta u taagan dulmi,xadgudub,tacadi iyo guud ahaanba dhibaato diidka ah waxaanu halkan si weyn ugu cambaareeyneeynaa falalka foosha xun sida joogtada ah loogu geeysanaayo Haweenka Somaaliyeed Xurmadda,qadarin iyo milgo gobeedka mudan(ma geeyda ah)kana dhacaaya Caasimadda Muqdisho iyo degaamada ku xeeran sida
Xeryadda dadka barakacsan iyo degaanka afgooye inta badana eey geeysta Ciidamdda Dowlada iyo kuwo dharka ciidanka ku lebisan(arrin ayaan daradeeda leh).

Waxaan halkan baaq bani-aadaminimo uga direeynaa Masuulinta halkan ku xusan oo aanu u aragno kuwo ka gaabiyeey xilkii ama masuuliyadii qarameed oo ka saareeyn ka hor-taga tacadiyadda waxshinimada leh oo haweenka somaaliyeed lagula kacaayo:-

-Wasiirka Gaashaan-dhigga.
-Wasiirka Adeegyadda Bulshadda.
-Wasiirka Arr.Gudaha.
-Duqa Magaaladda Muqdisho.
-Taliyaha Ciidnka Xoogga.
-Taliyahha Ciidanka Boliiska.
-Xeer-illaaliyaha Guud.
-Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre.
-Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda.
-Gudoomiyaha Gudigga Illaalinta Xaquuqdda Bani-aadamka
Barlamaanka Federaalka.
-Gudoonka Gudigga Arr.Gudaha Barlamaanka Federalka.
-Gudoonka Ururka Haweenka Somaaliyeed.
-Golaha Culimaa-udiinka Muqdisho.
-Odayaasha Dhaqanka Muqdisho.
-Ururka Wadaniga ah Illaalinta Xaquuqdda Bani-aadamka.
-Ururadda Siyaasadeed(xisbiyadda).
-Ururadda Dhalinyaradda.
-Masuuliinta Xeryadda Dadka Barkacsan Muqdisho.
Intuba waxeey si toos ah ma dadban uga gaabiyeey wax ka
qabashadda falalka foosha xun oo haweenka loo geeysanaayo
(fara-xumeeynta-Kufsashadda)sida joogta ah uga dhacaaya
xeryadda dadka barakacsan iyo degaamo badan oo gobolka
banaanir iyo sh/hoose ciidmadda dowladu ka geeysanaayaan
maalinba mida ka dameeysa sii badanaaya,waana arrin ayaan
daradeeda leh si weyna u dhaawacsaay xilkasnimada qeybha
qoraalka ku xusan oo si caadi ah arrimahaas ula socda,balse
ka seexday wax ka qabashadii iyo ka gilgilashada dhaqankaas
lidka ku ah shareecadda Islaamka iyo xeerka caalamiga ahba.
http://youtu.be/xRo3PLRv4O4

Waxaanu ku adkeeyneeynaa masuuliintaas isu taagida ka hor- tagidda iyo la dagaalkan dhaqankaas xaaraanta ah,taariikhdu waa diiwaan ma guuraan ah tacadiyadaas iyo kuwo kaleba waa ku duugan yihiin weey imaan maalin xisaabeed,Ururka Gabdhaha Walaalaha amaan iyo bogaadiin dadaalkooda iyo damiirkooda
nool,waxaa la sugaa waa tallaabo iyo ololle looga tor-tago falalka xadgudbyadda haweenka loo geeysanaayo (halkee ka baxday balaantii Madaxweyne Xassan Sh Kufsigu waa Dil mise waa iska hadal xaalku?)sidoo kale waxaa dhaliil mudan ama la oran karaayaa damiirkii ayaa ka lumay Haweenka Golaha Barlamaanka Federalka ka tirsan(Xildhibaanadda)ka aamusan falkaas foosha xun oo haweenka dhigooda ah loo geeysanaayo,
Bulshadda caasimada muqdisho ku dhaqan waa in eey codkooda cabiraan banaan baxyo hab nabadeed ku gudbiyaan sida eey u diidan yihiin uga xun yihiin kufsashadda lagula kacaayo Haweenka xeryaha dadka barakacsan ku jira iyo kuwa kaleba, sidoo kale haweenka damiirka leh qurba jooga ah waa ineey
arrimahaas ka hadlaan cambaareeyaan sida:- http://youtu.be/WxdE3LFHsUs

-Dr-Amina Saciid Cali.
-Marwo-Asli Xassan Cabaade.
-Dr-Caasha Axmed Cabdalle.
-Marwo Weriye-Amina Muuse Weheliye.
-Marwo-Fanaanad Qaran-Maryan Mursal Ciise.
-Drs-Caasha Cumar Geesdiir.
-Fanaanad Qaran-Hibaaq Maxamed.
-Fanaanad Qaran Abwaanad-Shamso Food.
-Fanaanad Qaran-Cadar Kaahin.
-Fanaanad Qaran-Faadumo Cali Nakruuma.
-Marwo-Sahra Gamadiid.
-Marwo-Haawo Max'd C/Nuur.
-Marwo Drs-Caro Xirsi Magan.
-Marwo-Maryan Goonle.
-Marwo-Sahra Siyaad.
-Marwo-Xaliimo-sacdiya Maxamed.
-Marwo-Amaal Keyse.
-Marwo-Sahra Suuban.
-Marwo Abwaanad-Maryan Maxamed(Maryan Jaceyl).
-Marwo Abwaanada weyn-Xiilimo Soofe.
-Marwo-Tiriig Ahmed.
-Qoraa Sarre Marwo-Ikraan Cali Kaar.
-Qoraa Sarre Marwo-Sacdiya VIP.
-Fanaanad Qaran-Marwo-Sahra Mire
-Weriye Marwo-Caasha-Cuud.
-Weeriye Sarre Marwo-Sacdiya Max'ud Afrax.
Fadlan doorkiina garta oo guta kana gilgishada tacadiyada
Haweenka dhigiina ah lagu hayo(xurmo gaar ah gudooma)dumarka
Somaaliyeed xurmo,qadarin iyo milgo gobeed mudan.

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)
-Afhayeenka Guud-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-sharifhassan_50@hotmail.co.uk
-sharifhassan50@yahoo.com.
-Jan-10-2013.

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online