Jan 11, (2013 (QOL)
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jaaliyada Ogadeniya ee South
Africa & wafdi Culumo ah oo uu kamidyahay Hogaanka Arimaha
bulshada & Abaabulka Jabhadda wadaniga xoreynta
Ogadeniya
(ONLF) Mudane Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin ( Diirane ) oo
in muddo ahba socdaal ku maraayay wadanka South Africa ayaa
maanta oo ay taariikhdu tahay 10/1/2013 ku qabtay Muxaadaro
Diini ah Masaajid weyn oo ku yaala magaalada Johannesburg
gaar ahaan xaafada ay Somaalidu dagan tahay ee lagumagacaabo
Mayfair , Muxaadaradan ayaa ahayd muxaadaro ay Culumo Farabadani
soo jeediyeen islamarkaana kaga hadlayeen Jihaadka &
anwaacdiisa.
Muxaadaradan oo ahayd muxaadaro qiiro iyo
khushuuc ku beertay dadweynihii ka sooqayb galay ayaa Waxaa
ka midahaa Culumada Nadwada Soo jeediyay, Sheikh Maxamed
Awal, Sheikh Maxamed Nadiir, Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin
& Culumo kale oo ah Culumo dhamaantood ku Takhasusay
Cilmiga Shareecada Islaamka waxayna dhamaan tood muslimiintii
masaajidka isugu timid xasuusiyeen xuquuqda ay Muslimiintu
isku leeyihiin & Jihaadka ka socda wadanka Ogadeniya
kaas oo ay sheegeen inuu yahay Jihaad waajib ku ah Qof kasta
oo Muslim ah gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed oo ay sheegeen
inay tahay bulsho isku jinsiyad ah walaalo ah islamarkaana
ay kulmiso Caqiidada Islaamka & darisnimadu.
Waxaa kale oo ay Culumadu wacdigoodii ku sheegeen
inay qadiyada Ogadeniya waajib ku tahay dhamaan Caalamka
Islaamka loona baahan yahay inay ka qayb qaataan jihaadka
ka socda wadanka Ogadeniaya, waayo waxay sheegeen Culumadu
in Gumeysiga Itoobiya taageeraan quwadaha Aduunka kuwooda
ugu waaweyni, sidaa darted waa waajib inay Muslimiintu taageeraan
Shacabka Somaalida Ogadeniya.
Hadaba Gudiga Sare ee Jaaliyada Ogadeniya
ee South Africa & madaxa waaxda Arimaha bulshada &
Abaabulka Jabhadda wadaniga Xoreynta Ogadeniya (ONLF) Halgame
Sheikh Maxamed Cabd i Yaasiin oo dhawaanahanba Socdaal ku
maraayay wadanka South Africa ayaa maalinba maalinta kadambaysa
la kulmaayay bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan
wadanka South Africa islamarkaana ku gudajiray hawlaha halganka,
Abaabulka bulshada, & isusoo dhaweynta midnimada, shacabka
Soomaalida Ogadeniya ee uu Gumeysigu daashaday si ay uga
hoos baxaan heeryada Gumeysiga madaw ee Itoobiya
Fillo maqal iyo muuqaalada Muxaadarooyinka Hadii Eebe inoosahlo.
Xayi Yare
Johannesburg
South Africa