Jan 11, (2013 (QOL)
Wadanka holand oo kamid ah midowga yurub ayaa sharci cusub
ku soo rogay dadka aan dalkiisa u dhalan asal ahaan ee ku
sugan dalkiisa kuwaas oo qaatay dhalashada wadanka ama sugaya
sharcigan muranka dhaliyey ayaa dhigaya in dhimis lagu sameeyo
ceydhii ama gunnadii qaxootigan la siin jirey gaar ahaan
kuwa dalalkoodi dib ugu laabtay balse wali ah muwaadiniin
naderlands ah dadka sida gaarka ah loogu dhaqan galiyey
sharcigan ayaa ah dadyowga aan iyagu u dhalanin dowladaha
midowga yurub.
Waxaana maanta isusoo bax cabasho ah ka dhigay
magaalada amisterdam jaaliyadda wadanka marocco oo kamid
ah jaaliyadaha ugu waaweyn ee ku sugan wadanka holand jaaliyadda
ayaa sharcigan cusub ku tilmaantay mid aan cadaalad aheyn
isla markaasna cunsuriyad ka danbeyso sharcigan ayaa awal
hore dhigayey in qofka holand dhalashadeeda heysta uu ceydhiisa
xaq u leeyahay xiitaa haduu ku sugan yahay meel ka baxsan
wadanka holand balse sharcigan cusub wuxuu dhigayaa in qaxootiga
loo eegayo wadanka uu ku sugan yahay sida ay noloshiisu
tahay taas oo macnaheedu yahay inaanu qofku heleynin wax
ka badan nolol maalmeedkiisa oo qudha.
Sharcigan ayaa waxaa si weyn uga soo hor
jeestey dalalkii ay asal ahaan ka yimaadeen Jaaliyaadka
biilka laga badh jartay waxaase ilaa hadda ku guuleysatay
dowladda turkiga inay sharcigan ka bad baadiso jaaliyadeeda
ku sugan wadanka holand waxeyna culeys ku saartay holand
inay dib u dhigto fulinta sharcigaas waxeyna ku dooday inay
dadkeedu kamid yihiin bulshada reer yurub taas oo ay holand
ugu danbeystii aqbashay
dowladda marocco ayaa dhankeeda sharcigaas aad u canbaareysay
iyadoo ku tilmaantay mid aan laga fakarin cawaaqib xumada
ka iman karta isla markaana uu xad gudub ku yahay heshiisyadii
u dhaxeeyey wadanka marocco iyo wadamada midowga yurub
Daljir Keyd
Qorahay Media