Qodobka Hanaanka Feferaalka waa lama taabtaan.

Jan 11, (2013 (QOL) Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,midnimada iyo Cadaalada codka wadaniyiinta qaranimo difaacidda,midnimo illaalinta iyo soo celinta maqaamkii sharafeed ee dowladnimada somaaliyeed,
waxaan halkan ku soo gudbineeynaa aragtida aanu ka qabno dib u eegidda Dastuurka Federaalka Somaaliyeed oo weli qaab qabyo ah si ku meel gaar ah loo anxasiyeey laguna soo doortay dhammaan Madax heer qaran iyo Xildhibaanadda Barlamaanka.

*-Wxaaanu si diiran u soo dhoweeyneeynaa dib u eegidda Dastuurka.
*-Ka Saaridda guud ahaanba waxyaabaha ama qodobadda lid ku noqon karaaya ama ka soo hor-jeeda Shareecadda Islaamka.
*-Ka Saaridda qodobadda wax u dhimaaya qaranimadda Somaaliyeed Siiba kuwa ku saabsan(Xaduudaha Dhulka iyo badda Somalia).
*-Guud ahaanba qodobadda sed-bursigga iyo qaab eexeedka leh.
*-Qobobadda habka saami qeybsiga kheeyraadka dabiicigga mugdiga
gelinaaya in si cad loo qeexo.
*-Awooda hogaanka qaranka(heerka Federaalka) iyo awooda maamulada
Federaalka(Dowlad Goboleedka)la cadeeyo(Qeexiid).
*-Dhulka Somaaliyeed oo maqan weli ku jirra gacanta dowladaha deriska iyo xaqa bulshadoodu u leeyihiin aayo ka tashigooda.
*-Dib u eegidda saamiga dastuurka federaalku u qoondeeyeey Haweenka (Saamigga Barlamaanka Federaalka) 33% oo lagu xadgudbay la dhacay in la waafajiyo sida dastuurka qeexaay.
*-Dastuurka Feredaalka in lagu cadeeyo in 4,5 yaay qaab xaaraan ah dib loogu noqon dooniin.
*-In Awooda sarre ee Dalka la siiyo Garsoorka loona aqoonsado Maxkamada Sarre(Maxkamadd Dastuugigga ama Maxkamadda Sarre ee Federaalka).

Waxaan halkan ka soo gudbineeynaa digniin culeeyskeeda kuna saabsan arrinta xasaasiga ah(Faderaalka) oo sidda muuqata socdaan ololle lagu doonaayo ama isku-deey ujeedada ka dameeystaa tahay hakinta ama dib
u dhigidda hirgelinta qaabka federaalka kana socda Villa Somalia,waana arrin halisteeda leh isla markaana abuuri kareeysa sii kala fogeeynta dadka Somaaliyeed oo awalba qabyaalada,colaado,dagaalada sokeeye,naceeybka
iyo siyaasada daneeysiga ku fadhidaa kala ceeydhisay,habka federaalkuna yahay midka keliya oo isu soo dhumi karaaya(horumar,hanaan dimuqraadi, isku kalsooni degaameed iyo u madax banaanidooda arrimahooda hoose,
sidaas awgeed waxaanu halkan fariin digniin uga gudbineeynaa:-

-Madaxweynaha D.Federaalka Xurmadke-Poroff-Xassan Sh.Maxamuud.
-Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka-Xurmadle-Proff-Mxa,d Sh.Cismaan(Jawari).
-Ra,iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka-Xurmadle-Dr-Cabdi Faarax (Saacid).

-Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Somaliyeed, arrinta federaalku waa lama taabtaan waana mida aad ku soo gaarteen xilalka qaran oo aad heysaan,ma dhici doonta in dalka somaaliya dib loogu celiyo habka Maamulka dhexe oo khasaare iyo dib u dhac badan laga dhaxlay,waxaana in badan oo bulshadda somaaliyeed ahi garteen kuna qanacsan yiihiin habka federaalka(Is-maamuladda goboladda) loona baahan yahay in si dhab ah loo hirgeliyo hanaanka federaalka somaaliya,cida ku fekereeysay federaal bedelida waa kuwo duhur cad riyaanaaya(Qarwaaya).

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)..
-Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-sharifhassan_50@hotmail.co.uk
-Jen-11-2013.

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online