DARAASAD dhalinyarada Mareykanka 4% iyagaa naftooda dila saabtu waa maxay?!

Jan 11, (2013 (QOL) Khubaro u dhalatay wadanka mareykanka ayaa in mudda ahba ku guda jiray daraasad ay ka sameynayeen caadada xun ee is dilitaanka oo ku badan wadanka mareykanka gaar ahaan da,yarta dalkaas.

Daraasaddan oo maanta natiijadeeda daaha laga qaaday ayaa lagu ogaaday in 12% dhalinyarada Mareykanku ay ku fakareen inay is dilaan halka ay 4% qorsheeyeen inay rumeeyaan riyadaas iyagoo ugu danbeystiina ku guuleystay inay is dilaan.

Khubaradan oo ka socotay jaamacadda HARD FARD la yidhaahdo ayaa sidoo kale sheegay inay ogaadeen in sannadaha ugu khatarta badan ee ay dhallinyaradu is dilaan ay tahay inta u dhaxeysa14 ilaa 24 oo ah sannadaha aan la fahmi karin sababta ay dhalintu isu dilaan.

Khubaradan ayaa waxey daraasadda ku wareysteen in ka badan 6500 dhalinyar u badan kuwaas oo aan laga faaiidin sababta dhabta ah ee ay dhallintu naftooda u dilaan.

Wadanka Mareykanka waxaa lagu tilmaamaa wadamada uu aadka ugu badan yahay is dilitaanka dhallinyada waxeyna khubaradu sheegeen inkastoo dad badan laga daweeyo xanuuno ku keeni karey inuu is dilo hadana ay sannad walba mareykanka ku naf waayaan 46000 oo qof kuwaas oo dhallinyaro gabdho iyo wiilal u badan oo iyagu naftooda dila.

Daljir Keyd
Qorahay Media

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online