Jan 11, (2013 (QOL)
Qaraxyo waaweyn oo is xig xigay ayaa gilgilay aroornimadii
hore ee saaka magaalada kuwitta ee ku taalla gobolka baloshistan
ee wadanka bakistan ayaa waxaa ku dhamaaday shacab tiradiisu
kor u dhaafeyso 92qof halka ay 120 kalana ku dhaawacmeen,
xaafadda qaraxyadu ka dhacaan ayaa waxaa u badnaa muslimiinta
shiicada waxaana weerarka oo laba goor oo isu dhaw ahaa
kan hore geystay qof naftiisa qarxiyey kaas oo khasaare
ba,an geystay qaraxan danbe oo ay kamid ahaayeen dadka ku
geeriyooday wariyayaal iyo shaqaale caafimaad ayaa dhacay
xilli lagu guda jirey bad baadinta dhaawicii ku wax yeelloobay
qaraxii hore markaas oo ay qarax labaad la kulmeen.

Gobolka dhibtu ka dhacday oo balushistan la
yidhaahdo ayaa muddo sanooyin ahba rabshado ka taagnaayeen
waxaana ka jira kooxo dowladda ku kacsan oo u dagaalama
sidii dadka gobolka ay dowladda pakistan awood qeybsi ballaadhan
ula yeelan lahaayeen pakistan ayaa iyadu gabi ahaanba dalabka
kooxda diidan waxaa iyana ka jira kooxo daalibaan ku fakar
ah oo ah kuwa qaraxan looga shakisan yahay in kastoo ay
gobolka weerarro hore uga dhaceen haddana kan maanta waa
kii ugu xumaa ee ka dhaca gobolka bilihii u danbeeyey
Dajir Keyd
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com