Wargeyska The Guardian ee wadanka UK oo ka soo baxa dhaqaalaha Ingriisku ciidamada gumeysiga Ethiopia ku bixiyo Maqaal dheer kaqoray.

Jan 11, (2013 (QOL)Wargeyska THE GUARDIAN ee wadanka Ingriiska ka soo Baxa ayaa manta maqaal dheer oo ku saabsan dhaqaalaha ingriisku ku bixiyo ciidamada gumeysiga Ethiopia ee Liyu Police loo yaqaanno ku waasoo uu ku tilmaamay wargeysku inay yihiin koox rayad ah balse sida military-ga u howl gala

Wargeyska ayaa qoraalkiisa ku tilmaamay in malaayiin giniga istaliinka ah ay Britain ku bixiso hubeynta kooxda oo buu yidhi lagu caddeeyey inay gobolka OGADEN ka geysteen dhibaatooyin isugu jira dhac kufsi dil iyo qaar kale oo ay kamid yihiin gubista guryaha ay shacabku leeyihiin

Wargeyska ayaa yidhi dowlada Britain wey ka war qabtaa in lacagteeda lagu taba baro kooxdan la eedeeyey waxeyna si gaar ah u bixisay dhaqaale loogu magic daray tababridda ciidamo sida military-ga u howl gala oo loola jeedey kooxda lliyy Police, wargeysku wuxuu sheegay inay lacagtaasu dhameyd 13 ilaa 15 milyan oo giniga istarliinka ah oo loogu tala galay in la isticmaalo muddada shanta sano ah ee soo socota

THE GUARDIAN ayaa sheegtay inay dowladda ingriisku aad uga walaac qabtey sumcad xumida ka soo gaadhi karta inay koox sedan u akhlaaq xun oo danbiyo caalami ah loo heysto barnaamijkeeda ku lug yeelato haddana loogu magic daray barnaamijka dhismaha nabadda

Wargeyska ayaa sheegay in inkastoo ay Ethiopia ay aad ugu faraxsan tahay dagaalka ay kooxdanu kula jirto jabhadaha ka dagaalamaya gobolka si ay caalamka ugu tusto indagaalku u dhaxeeyo laba kooxood oo isla gudaha ah iyaduna aaney wax gacan ah ku laheyn haddana mas'uuliyadda kooxdan waxaa dhabarka u ridanaya cidda xukunta oo uu ugu horeeyo ninka la yidhaahdo C/llaahi weerar oo ah ninka kooxdan hor joogaha ka ah iyo hadba ciddii kale ee ka sii sarreysa laga soo billaabo madxa federalka xukunta iyadoo tilmaantay inuu ninkanu waa c/laahi Ethiopian e asbuucan booqasho ku yimid dalka ingiriiska qudhiisa

Wargeyska ayaa intaas ku daray waxaa la xaqiijinayaa in ay kooxdan aad iyo aad uga fasas xun tahay danbiyada ay geysanayaan kooxdan kuwii ay geysanayeen mudooyinkii ugu danbeeyey ciidamada millitry-ga ee Ethiopia

Waxaa la xaqiijiyey sidoo kale ayey tidhi wargeysku in kooxdan hal meel ah ay ku dal daleen in ka badan 10 qof oo rayad aan waxba galabsan kuwaas aan wax maxkamad ah la geynin, Safaaradda gumeysiga ayaaa lagu sheegay war bixinta inay wax jawaab ah u weydey su,aalihii laga weydiiyey xad gudubyadan aan la soo koobi Karin ee ay geysanayso kooxda iyadoo ka dhamaan weydey waxaan wadnaaa dadaal aan kula heshiineyno ONLF

Waxey war bixintu hadalkeeda ku soo afmeertay inay wax laga xumaado tahay inay Britain koox ceynkan ah iskaashi la yeelato, Britain ayaa Ethiopia siisa lacag dhan 390 miyuun oo gini sannad walba waxaana la tilmaamayaa inay lacagtaasu ciqaab ku tahay dadka ku nool gobolka OGADEN

Daljir Keyd
Qorahay Media Kenya
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online