Jan 11, (2013 (QOL)Wararka
saaka naga soo gaadhaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka
Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay Ciidamada Dowlada Soomaaliya
hawlgalo ay Magaalada ka sameeyeen kusoo qabteen 4 nin oo
sida lasheegay katirsanaa Ciidamada Ururka Alshabaab ee
Qaabka dharcadnimada ah ku jooga Magaaladaasi Kismaayo.
Raggan lasoo qabtay ayaa lasheegayaa in xiligii lasoo qabtay
ay ku sugnaayeen Guri ku yaala xaafadaha dambe ee Magaalada
isla markaasna ay ku jireen qorsho hawleed ku saabsan samaynta
walxaha qarxa ee Miinooyinka loo yaqaano isla markaasna
ay hada baadhitaan lagu wado.
Waxii kasoo kordha dib ayaan kasoo gudbin doonaa Inshaa
Allaah.
Noor Mohamed
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com