OGEYSIIS: Banaanbax kadhacaya Barito Safaarada Ethiopia Horteeda yaan loo kala hadhin.

Jaaliyada Ogadeniya ee wadanka UK iyo Muslimiinta Ethiopia ayaa banaanbax aad u weyn ku hor qabanaya Safaarada Gumeysiga Ethiopia ku leedahay magaalada London. Banaanbaxan ayaa kusoo beegmay waqti ay Jaaliyada Ogadeniya ee UK ay dacwado u gudbisay dowlada UK oo ay kaga cabaneyso danbiilayasha xasuuqa ka geystay Ogadneiya oo si xor ah kusoo gala wadanka UK.



Waxaa lagu soo daawacay saxaafada Wadanka UK kuwooda waaweyn ee “The Guardian” iyo Telegraph warbixino ka hadlaya lacaha lasiiyo ciidamada maleshiyaadka hawaarinta ee xasuuqa ka geysta Ogadeniya. Lacagahaas oo malaayiin ah waxay ka helaan wadanka Ethiopia.

Hadaba Jaaliyada Ogadeniya iyo shucuubta Muslimiinta Ethiopia ayaa banaanbax aad u weyn ku hor qaban doona safaarada Ethiopia Bari halkaas oo uu kusugan yahay wasiirka Arrimaha Dibada Gumeysiga Ethiopia.

Goobta Mudaharaadka: Safaarada Ethiopia

Address: 17 Princess Gate, London SW7 1PZ.
Goorta: Barit oo ah Sabti- 12/01/2013
Saacada: 9 aroornimo – ilaa 5 Galabnimo.

Fadlan soo qaata Boodhadh iyo calamada Ogadeniya. Firimbiyo. Waxaad horey usoo kaxeysaan Caruurtiina iyo dhamaan saxibadiina.

Mudaharaadkan waxa uu u dhaci doona si nabadgalyo ah. iyada oo la ilaalinayo anshaxa iyo nidaamka.

Waxaad kla xidhiidhaan waxiidheeri ah:

079 3230 2650
0793937 4851
07584 012 118
Jaaliyada Ogadeniya ee UK.

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online