Budh-cad lagu laayay xerada dhagaxlay ee Dagmadda Dhadhaab.

Jan 12, (2013 (QOL) Wararka naga soo agadhay xeryaha qoxootiga ee Dhadhab ayaa sheegaya amaan xuma ka sii daraysa maalinba maalinta kadanbaysa waxaana la sheegaya kooxo Budhcad ah oo dhibaato balaadhan ka waday mudo mudo sanad iyo badh ah waxayna markii hore ka bilaabeen in ay dadka wadooyinka maraya Mobilka ka qaataan waxayna u gudbeen in ay guryaha galaan oo boobaan.

Wararkau waxay intaas ku darayaan bilihii ugu danbeeyay bilaabeen dil iyo kufsi aan kala soo lahayn taas oo keentay in ay dad badani kulaabtaan wadamadii ay kas oo qaxeen.

Xerada Iffo 2 oo kamid ah xeryaha cusub ayaa gabi ahaanba albaabada loo laabay waxaana ku hadhay sida la sheegayo dad aad u yar oo meel ay u noqdan garan waayay.

Ciidanka police-ka ee xerdada dhagaxlay ayaa xalay howlgal ay qaadeen kudilay (1) mid oo kamid ah budh-cada waxayna ku dhaawaceen 1 kale halka ay xerada ku dhaxfakadeen kuwo dhaawac ah iyo kuwo badqababa waxaana la sheegayaa in lagu raad taagan yahay.

Maydka iyo dhaawac ayaa saaka dhaxyaala MAIN HOSPITAL Dhagaxlay. Dadwaynaha ree dhagaxlay oo ay kujiraan qoxoti badan oo ree ogadenia ayaa ku tabaalaysan halkaas ayaga oo aan haysanin tookulayn & amni midna.

Qorahay Media
K/Afrika
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online