Jan 12, (2013 (QOL)
Warar Magaalada Dhagaxbuur helayo waxay
sheegayaan in ciidanka bahaloobay ee gumaysigu ay Magaalada
Dhagaxbuur ku haystaan laba baauur oo nooca xamuulka qaada
ah oo Magaalada Godey u rarnaa kana soo rakaabsaday Magaalad
Wajjaale oo ku taala xuduudka Waqooyiga Soomaaliya Ogaadeenya.
Baabuurtan
oo ay leeyihiin ganacsato reer Godey ah ayay ciidamada gumaysigu
ku xukumeen in ay bixiyaan kiiba 180,0000 oo bir oo baad
ah lacagtaas waxayna ciidanka gumaysigu sheegeen hadii aysan
mulkiileyaasha & ganacsatada baabuurtu u raranyihiin
bixinin lacagtaas in baabuurta & waxa saaranba lala
wareegayo.
Lama garanayo sababta baabuurtan lacagta intaas
dhan loogu xukumay balse dhibaatooyinka faraha badan ee
shacabka Soomaalida Ogaadeenya ay gumaysiga kala kulmaan
ayay arintani ka mid taha waxaana xero ciidan oo Magaalada
Dhagaxbuur ku taala ku xaniban baabuurtaas oo alaabooyin
nolosha bulshaad muhiim u ah waday.
Dhanka kale wararku waxay sheegayaan magaalooyinka
waaweyn ee Ogaadeenya in ay maalmihii u dambayay ciidamada
gumaysigu bandow ku soo rogeen, sida ay dad xog ogaal ah
Qorahay Media u xaqiijiyeen casarka dheer ayay dadku goobaha
gacansiga & suuqyada ka dheelmadaan waxaana la sheegayaa
in ay arintaasu ka dhalatay cabsi faro badan oo baryahan
dambe ciidanka gumaysiga soo food saartay taas oo ka dhalatay
weerarada aan kala joogsiga lahayn ee Ciiddanka Waddaniga
Xoreynta Ogaadeenya ay sida aadka ah baryahan gumaysiga
ugu asqeeyay.
Isku soo wada duuboo gumaysiga Itoobiya oo
aad u itaal & mooraal liita ayay xaaladiisu ku soo ururtay
dhibaataynta bulshada aan is difaaci Karin waxaana si caadi
ah usoo noqday gibirkii dadka lagu qasbi jiray ee dhaqanka
soo jireenka ah gumaysiga Itoobiya u ahaa.
Wararkaas & guud ahaan xaaladaha kala
duwan ee Ogaadeenya wixii ka soo kordha Qorahay Media kala
soco.
Dhimbil Guure
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com