Jaaliyada Ogadeniya ee UK oo albaabada kasoo xidhay Wasiirka arrimaha dibada Gumeysiga Ethiopia: Warbixinti Banaanbaxa!

Jan 13, (2013 (QOL) Waxaa Maanta oo Ay taarikhdu ke beegnayd 12/1/2013 Ka dhacay wadanka ingriiska gaar ahaan magaalada madaxda London mudaaharaad si xoogan loo soo abaabulay. Mudaaharaadkan oo ahaa mid lagaga soo hor jeeday wasirka arimaha dibada ee Ethiopia Tedros Adhihonom Oo Shir ku qabanayay safaarada Itoobiya ee ku taala magaaladan London.

Mudaaharaadkan oo ahaa mid si xoogan loo soo abaabulay oo ay dad boqolaal ah kasoo qaybgaleen ayaa bilaabmaday abaarihii 9kii subanmimo,, waxaana goobta soo buux dhaafiyay Jaaliyadaha Somalida Ogadenia ee ku kala nool wadanka ingriiska oo dhan, waxaana meesha ku wehelinayay Jaliyada, umada muslimiinta Itoobiya oo iyaguna si xoogan isku soo abaabulay oo goobta soo buuxiyay, kana cabanaya fara galinta lagu hayo diintooda.

Mudaaharaadkan ayaa kusoo beegmay isku wakhtiga ay jornaalada ugu waaweeyn ee wadanka Ingriiska hadal hayeen Ogadenia iyo hawaarinta liyu Police ka waxyeeladay ka geystaan dhulka ogadenia. Laguna qarxiyay ineey dowlada ingriiska 5tii sano ee ugu dambeysay lacag malaayin dhan ah siisay itobiya sideey ugu tabo baraan hawaarintan.

Jaaliyada Somalida Ogadenia ayaa baryahan oo dhan hawlo culus ka waday wadankan UK waxaana la rajeynayaa ineey natiijo fiican kasoo baxdo dhawaan.

Mudaaharaadkan oo socday ilaa iyo abaarihii 5tii galabnimo ayaa guul weeyn kusoo dhamaaday!

Khadra Abdi/Dhiiran Mohamed
Qorahay Media
London,Uk
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online