Jan 13, (2013 (QOL)
Maanta oo bishu tahay 12 January 2013 waxeey
ururka Medowga dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia
(OYSU) Melbourne si caalami ah u soo agaasimin barmaamijkii
loogu magacdaray Cun oo Caawi.

Barmaamka Cun oo Caawi ayaa ah barmaamij loogu deeqo agoonta
Soomaalida Ogadenia Waxaa xafladaas lagu qabtay Yarraville
Park oo ah goobta loogu talagalay dadweeynaha dagan gobalka
Victoria in ey ku qabsadaan (BBQ). Ururka OYSU Melbourne
ayaa wexeey markasta heegan u yihin daryeelka dadkooda cunaqabateen
iyo jirdilka lagu hayo Shacabka Soomaalida Ogadenia.

Barmaamijka Cun oo Caawi ayaa wuxuu bilaabmay saacadu markeey
aheed 1 duhurnimo, isla markaasna lagudagalay barmaamijkii.
Waxaa ka soo qeybgalay Barmaamijkaan gacanweyna kaqaatay
dhamaan Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Victoria iyo dhamaan
Soomaaliweyn.

Maalintaan ayaa fursad u aheyd dhamaan bulshada kasoqeybgay
Barmaamjka, farxadna kawada muqatay. Waxaa kaloo fursad
u aheyd malintaan dhamaan hooyooyinka iyo aabayaasha oo
fursad u helay ilmahooda maaweeliyo. Ururka OYSU Melbourne
ayaa meesha kusoo bandhigay barmaamijo kala duwan oo ilmaha
lagu talagalay.

Ururka OYSU Melbourne ayaa u mahadcelinaya dhamaan jaaliayada
Soomaalida Ogadenia ee Victoria iyo dhamaan shacabka Soomaaliweyn
ee ku nagan Gobalka Victoria.

Gabagabadii xafladaan ayaa ku dhamaatay si farxaad leh



Hudayfa
Qorahay Media
Qorahay99@yahoo.com