Jan 13, (2013 (QOL)
Shir aad muhiim u ah oo ay isugu yimadeen
Ururka OYSU Bariga Africa iskugu yimaadeen shirkan ayaa
lagu falanqeeyay waxqabadka iyo qorshayaasha ururka miiska
u saaraan, Sidoo kale shirkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay
masuuliyiin kamid ah Ururka OYSU sida Hogaanka Abaabulka
iyo Arimaha Bulshada Ururka .Mr Omar Sooya & Mr AHIB
Sheikh oo shirka martu u ahaa ahna Hogaanka Abaabulka iyo
Arimaha Bulshada ee Pacific.

Waxaa shirka furay Xoghayaha Ururka OYSU Bariga Africa.Faysal
Abdi Hassan , isla markaasna u mahadcelisay dhamaan Gudigii
ka sooqeyb galay shirkaan. Hoghayaha aya u dulmartay dhamaan
Gudigii shirka wuxuuna si waafi ah uga warbixiyay waxqabadkii
Ururka OYSU Bariga Africa.
Waxayna musuuliyiinto ku kala war qateen waxqabadka Ururka
oo wax badan u qabsoomay mudadii uu jiran kaas oo meel badan
oo aduunka ah faracyo ku yeeshay wuxuuna ururkan noqday
mid garab & gaashaanba u ah Halganka lagu Xoreynayo
Ogaadeenya kaas oo ay hogaanka maanta u hayso JWXO.

Sidoo kale Ahiib oo ka soo socdaalay dhanka Pacifica una
yimid hawlo shaqo ayaa si weyn uga warbixiyay dhamaan waxqabadka
Ururka OYSU ee Pacifica oo maraya heerkii ugu sareeyay wuxuuna
Ahiib sheegay in ay wax badan u soo qabsoomay mudadii uujiray
ururku dhanka kale iskuna xidhan yihiin dhamaantood.
Shirkan ayaa ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan waxaana
maalmahan soosocda lagu wadaa in ay kulan isugu yimadaan
ay ku sii dajinayaa qorshayaashooda u yaala kaas oo muhiim
u ah ururka.
A. Sheikh
Qorahay Media
Nairobi, Kenya