Hogaanka HAAB ee ONLF & Hawl-wadeenada Jaaliyadda Ogaadeenya oo si gaar ah u kulmay Johanesnburg.

Jan 13, (2013 (QOL) Hawl wadeenada jaaliyada Ogadeniya ee South Africa & madaxa waaxda Arimaha bulshada & Abaabulka Jabhadda wadaniga Xoreynta Ogadeniya (ONLF) Halgame Sheekh Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane ) ayaa maalinimadii Shalay Kulan ay Albaabadu u xidhanyahay galay.

Shirkan ayaa ka dhacay magaalada Johannesburg ee Cariga Koonfur Africa gaar ahaan xaafada Mayfair ee ay Somalidu ku badantahay shirkan oo Saacado qaatay ayaa inta badan shiishka lasarayay arimaha siyaasada geeska Africa.

Xubnaha kaadirka iyo gudiyada shaqada ayaa fursadan kuqaatay kadhiibashada fikradahooda ku aadan horumarinta halganka dhinaca siyaasada ciidanka iyo arimha bulshada. Kulankan oo ahaa kulan mid noociisa ahi uuna horay uuga dhicin wadanka koonfur africa ayaa ahaa mid siwaaafi ah loogu guulaystay ujeedooyinkiisa.

Sidookale waxaa kulankan lagu qiimeeyey hawlihii socdaalkii Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha bulshada waxayna gudiyada ,xubnaha kaadirka iyo hogaankuba isla garteen inuu ahaa mid laguguulaystay iyadoo hoosta laga xariiqay dhamaan qodobadii shirka iyo siixoojinta hawlaha jaaliyada (JOKA)

Kulankan ayaa ku soo hagaagay xili uu soo afjarmay Hawlo kormeer iyo Abaabul oo ka socday wadanka Koonfur Afrika kuwaas oo isugu jiray Abaabul & xoojinta halganka isla markaana loogu talagalay in lagu mideeyo shacabka Somalida Ogadeniya ee uu Gumeysigu haysto.

Xayi Yare
South Africa
Johannesburg

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online