Shakuul oo Baabuur ku qaaday Dambiile Cabadullahi Itoobiya meel uu galiyana garan la Safaaradda Wayaanaha Moyaane.

Jan 14, (2013 (QOL) Shakuul oo ah Nin Horay Uga Tirsanaan Jiray Kooxdii Isdhiibtay ee Lamagac Baxday Al-itaxaad oo Noqday Shaqsiga Cabdi Iley ujooga Nairobi Waxbixin, Shakuul oo dadka qaar u yaqaanaan inuu yahay nin sheekha islamarkaana ah ganacsade ayaa waxa uu muujiyay sida uu ugu heelan yahay lashaqaynta kooxda gabaabsiga ah ee uu horjoogaha u yahay Cabdi ubo isaga oo sirasmiya loo ogaaday inuu yahay nin si wayn ugu xidhan kooxdaas Cabdi iley islamarkaana fuliya hawlaha loo idmado ee lagu bahdilayo shacabka Soomaalida Ogadeniya ninkan ayaa manta abaare 1:00:00 wakhtiga Africada bari ku daad gureeyay koox katirsan hadhaagii Al-itaxaad oo Tiradooda naloogu sheegay 7 xubnood . Isagoo Safaarada Gumaysigana Gaadhay 1:45 daqiiqo

Shakuul waxa uu Kooxdan ku daad gureeyay Gadhi Van ah isaga oo sida sawrida aad ku aragtaan kooxdan la,abaaray safaarada Gumaysigu kuleedahay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya. Ninkan ayaa ah shaqsiga sida tooska ah u fududaynaya qorshe yahawga dawlada gumaysiga iyo kabaqaad keedu kawadan dalka Kenya.

Wariyaha shabakada Wararka ee Qorahay ayaa Goob jog u,ahaa in Shakuul kooxdan ku qaaday gaawaadhi isaga oo kahor geeyay kabaqaadka Gumaysiga ee uu horboodaya dambiilaha weyn ee kala gaabiyay shacabka Ogadenia waa Cabdullahi Ethiopia,

Ninkan ayaa ilaa iyo maalintii shalay ahayd waxa uu kumashquul sanaa sidii uu shir ugu qaban lahaa kooxda Cabdullahi Ethiopia oo aan ka soo bixi karin safaarada gumaysiga oo amnigeeda si,aada loo adkeeyay.

Sidookale Shakuul ayaa ah musharax u taagan Gobalada Jubooyinka ee Dalka Somaliya waxaana jirta in uu kamid yahay koox ay wadato dawlada gumaysiga oo si wayn isugu dayaysa inay yeelato hogaaminta ugu saraysa ee Maamulka Gobalada jubooyinka ee Dalka Somaliya.

Maha markii ugu horeesay ee uu Shakuul dhibaatadan oo kale sameeyo wuxuu horaan Idaacadda BBC siiyay warayi kaas oo uu dhulka Ogadenia ku sheegay dhul horumar & barwaaqo ka jirto isaga oo si weyn u duudsiyay kumanaanka ka soo barakacay gumaysiga ee uu makhraatiga ka yahay ee kuxaraysan wadamada dariska oo ay Kenya kamid tahay waxayna arintan cadayn u tahay in uu ahaa shaqsi wakiil u ah gumaysiga. Sidoo kale wuxuu horaan aad ugu dagaalay in uu shir u qabto ninka lagu magacaabo Ibrahim Dheere ee sida tooska ah uga ganacsada shacabka Ogadenia isaga oo ka gacan kulul Cabdi Ubo oo ay taariikhdu xusayso shirkii tacadiga badanaa ee uu masuulka ka ahaa Ibrahim Dheere & Doolaal Adan Dhagoole.

Waxaan wali kudaba jiraa Falalka in laga xishooda mudan ee uu hogaaanka u yahay Shakuul wixii ka soo kordha dib ayaan ka soo tabin donaa haduu allaah ogalaado.

Qorahay Media
Nairobi -Kenya

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online