Jan 14, (2013 (QOL)
Ururka Dhalinyarada & Ardayda Somalida
Ogadenia (OYSU) Faraca Magalada Cape Town ayaa xalay shir
iskugu yimaaday wuxuuna shirkaasi ka dhacay isla Xafiiska
Ururka uu ku leyahay Magalada Cape town gaar ahaan Xaafada
Somalida kubadan tahay ee Bellville.

Shirkan oo ahmiyadiisu ahaa Dhalinyarada Oysu
ee Cape town sida ay u dhaqan galin lahayeen Action Plain
ka Shanta Bilood ee soo socoto Ayaa shirka sida cadada aheyd
waxa lagu furay ayaada quran ah iyo wacdi diini ah oo uu
soo jeediyay Sheikh Maxamed Yuusuf, Sheikh Maxamed Yuusuf
ayaa waxa uu ku dheeraday wacdigii diniga ahaa asaga oo
dhamaan dhalinyarada kula dar darmay alla ka baq iyo in
halganka xaqa ah ee Ogadenia ka jiro dhalin yarada ay hiil
iyo hooba la garab istagaan.

Intaas kadib waxa shirka oo shir gudoonka
uu ahaa Xoghayaha oysu farca Cape town Mudane Abshir Faatule
ayaa waxa uu ka war bixiyay oysu cape town wax qabadkooda
iyo waxa looga bahan yahay shanta bilood ee soo socoto in
looga bahan yahay in ay qabtaan oo ah Action Plain ka looga
fadhiyo dhamaan xubnaha oysu iyo Taageeradodaba in ay fuliyaan,
intaas kadib waxa hadal kooban oo guubaba ah gobta ka soo
jediyay Gudoomiyaha Jaaliyada somalida ogadenia ee magalada
Cape town oo shirka goob jog ka ahaa asaga oo gubaaba iyo
mahad calin u soo jeediyay dhamaan xubanaha shirka ka soo
qayb galay aad na ugu farxay dhalinyarada oysu heer calam
da daalka ay wadaan waxa uuna si gaar ah ugu mahad caliyay
dhalinyarada oysu faraca cape town showa aad ka u wanagsan
ay ka wadaan magalada cape town.

Intaas kadib waxa asagana lagu soo dhawayay
oo hadal aad u qiima badan ka jediayy xubin ka mid ah oysu
cape town Dr Abdulaahi oo asaga ah Dr ka shaqeeyo isbitaal
ka mid ah isbitalada ku yalo magalada Cape town ,Dr abdulaahi
ayaa dhamaan dhalin yarada ku gubaabiyay koow in ay wax
bartaan oo ay tahay wax barashada furaha aduunka oo al baab
walba oo xiran ay furi karaan hadii ay wax bartaan Dr Abdulaahi
ayaa waxa uu dhalinyarada oysu Faraca Cape town u balan
qaday in uu furi doono School lacag la aan ah oo aqoontooda
ay kor ugu soo qadan si ay uga faa iidaystaan asaga oo garab
sanayo dhalinyaarda oysu ee Cape town ku nool ee jamacadaha
ka dhamayay magaladan School kaasna ay ka furi doonana isla
xaafada somalida ku badan tahay ee Bellville.

Gaba gabadii shirka ayaa waxa hadal kooban
ka soo jeediyay Hogaanka Warfaafina Oysu South Africa Abdijamaal
Abdulaahi oo umahad caliyay dhamaan Dhalinyarada shirka
iskugu imatay oo aad u fara badnaa intaas kadib waxa uu
u shegay in uu jiro shir oysu ay u qaban doonto Dhamaan
hayàddaha Dowliga ah iyo kuwa aan Dowliga aheyn ee
ku nool Gobalkan Western Cape ee Magaada Cape town Shirkana
uu dhici doono haduu alla idmo 24/01/2013 Malinta Khamiista
ah, Shirkan ayaa waxa gacan wayn naga siiyay in aan qaban
dono Hayàdda Cilaa qaad aad u dheer kala dhaxeeyo
oysu hayàddas oo lagu magacaabo Trauma Centre hadaba
gaba gabadii ayaa dhamaan dhalin yarada waxa lagula dar
darmay in shirkaas aad ka u weyn ahmiyad badana u leh dhamaan
Bulshawaynta Somalida Ogadenia in ay ka soo qayb galaan
,waxana hosta laga xariiqay Ajandihii shirkaas uu ku socan
lahaa ,isku soo wada duuboo shirkan oo bilowday 8:00Pm ama
habeenimo ayaa waxa uu jawi aad u wanagsan ku soo gaba gaboobay
11:30 Habeenimo.

Oogle Yare
Qorahay Media
Cape Town, South Africa