Ogalaanshuhu ma Sandulaa waa Qormo taariikhi ah.

Jan 14, (2013 (QOL) Asc Dhamaan akhristayaal Salaan kadib waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa Qoraal loogu magic daray ‘’Ogalaanshuhu ma Sandulaa’’ ''Ogolaanshuhu ma Sandulaa'' waa Qoraal/Article ka turjumaya Sharciga iyo Siyaabaha uu ku haboonyahay Dastuurku.

Hadaba Akhristoow Sannadkii hore 2012 sidaynu la wada Socono wadahadalkii iyo Miis ay Isugu yimaadeen Madaxda Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo TPLF Isla markaana goob joog ay ka ahaayeen Madax kale oo ka tirsan Dowladda Kenya iyo Qaramada Midoobay.

Kolkaan Mudda dheer Baaritaan xagga Internetka ka galay si aan u baaro cidda xaqa u leh Inay Dastuurka aqbasho xaqna u leh inay Diido ayaa waxaa Ii cadaatey Dastuurku sidiisaba kolkii la ansaxinayo ay Dowladdu ansaxinayso ayaa waxay tahay in Dowladdu la xidhiidho Dawladaha Hoose si ay ula xidhiidhaan Suldaamadda,Ugaasyada,Garaadada,aqoonyahanadda oo ay Dawladda hoose iyagu Shacabka afti uga soo qaadaan dabadeedna afkaarta ay Shacabweynuhu isla qaataan Qasab ku noqotaa inay Dowladdu Ansaxiso maadaama ay tahay afkaarta ay Shacabweynuhu isku raaceen.

Hadaba waa isweydiin ee Maxaa Ethiopia ku kalifay inay kolkay Maadaasha Shirka soo Istaagtey tiraahdo ‘Idinkoonan aqbalin Dastuurka Ethiopia u yaala wada hadal inama dhex mari karo’’ Aduunweynaha laguma arag lagumana maqal Dowlad aqoontu ku yartahay. Teeda kale one of the Question that people raise is ‘’maxaanu u dagaalamaynaa hadayba taalo aqbalaansho Dastuur.

Waxaa kaloo kamid ah Su’aasha aan Qore ahaan isweydiiyo ay tahay Maadaama Sida aan la socono uu Dastuurka Itoobiya uu dhigayo in Gobol waliba uu Madax banaani qaadan karo oo uu ka go’i karo Itoobiya inteeda kale maxay u diideysaa inay Afti ka qaado shacabka Ogaadeenya inay Gooni isu taagayaan iyo Inay Itoobiya ku hoos noolaanayaan.

Waxaa kaloo jirta hadii ay Itoobiya tahay Dowlad Xaquuqul Insaanka Ogol amase huba in Gobolkaasi nabadyahay amase ay horumar ka jirto ay u diidayaan inay Suxuufiyiinta caalamka ee madaxa banaan iyo Hay’adaha Qaramada midoobey ka hawl galaan Gobolkaas oo ay kasoo tabiyaan Dhabta ka jirta MAXAY U DIIDAYSAA ETHIOPIA?

Waxaad akhristoow isweydiisaa Labadii magaalo ee Ogaadeenya looga talin jirey ilama boqortooyadii hore ee Axmed Nagaash xagay ku danbeeyeen ee HARAR IYO DIRI-DHABA waxaanu maqalaa uun oo la hadal hayaa Caasimadda Jig-Jiga Aawey Maanta?

(Fadlan Su’aalaha jawaabtan waxaad kusoo gudbin kartaan mxlmxa@hotmail.com)

La Soco Qaybta 2aad ee ‘’Ogolaanshuhu ma Sandulaa’’

Axmed Halgan
Australia
Qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online