Jan 15, (2013 (QOL)
Warar hordhac oo haatan soo gaadhay Xafiiska
war Qabadaka Warbaahinta Qorahay Media ayaa sheegihaya in
uu Soo gaadhay Caasimada wadanka Kenya Nairobi Raysul wasaaraha
Xukuumada Maqaar saarka ah ay taladeduu ku soo ururtay magaalada
Adiss-abab Hailemariam Desalegn.
Safarka
Hayle maraan ayaa ahaa mid aan horey loo siishaacinin, Sida
warka aanu ku helayno waxaa Hailemariam Desalegn uu lakulmay
Durbadiiba Masuuliyiin Sare oo kamida Madaxda Dalka Kenya,
Majiro war Rasmiya oo ka soo baxay booqashada Xayle Maryam,
kamana aysan Hadlin Labada Dawladooda, waxaase loo badinhayaa
in uu Hailemariam Desalegn Daba socdo koox maal-mahan ku
sugneeyd Magaalada Nairobi oo shegan haysay in ay ka socdaan
Xukuumada Gumeysiga Ethiopia, Shirara u qabanhaya siday
sheegeen shacabka Somalida Ogadenia ee ku sugan wadanka
Kenya. Dowlada Kenya ay kala hadalayaan Arimo ku saabsan
Wadanka Ogadenia iyo Shacabka Soo barakacay.
Hailemariam ayaa sheegay in uuna jirin Wafti matalaya Xukuumadiisa
oo isaga ka soo horeeyay balse uu maqlay niman ka socda
waxa uu ugu yeedhay Killka shanaad ay joogaan Nairobi ku
waasi oon matali Karin xukuumadiisa Waa sida uu hadalka
u dhigay.
Arintan ayaa loo badin hayaa in ay salka ku heyso Khilaafka
u dhaxeya TPLF iyo xukuumadda Hailemariam Desalegn, kooxd
dhidir dhowrka ah ee Abdulahi Ethiopia Gadhwadeena ay soo
Direen TPLF, Sidaasna uu uga daba yimid Hailemariam Desalegn.
Waxaa soo shaacbaxaya khilaafka u dhexeeya kooxdan dhiga
shacabka ku naaxday ee TPLF ayaga oo aad mooda in ay hadda
si weyn u soo ifbaxayso khilaafka u dhexeeya oo keentay
in dagaalkii qarsonaa uu hadda marayo mid banaanka u soo
baxay. Warar kaasi iyo wararkale oo xiisabadan kala soco
warar keena sosocda.
Askari Abdullahi
Qorahay Media
Nairobi, Kenya