Dawladda Ingiriiska oo aqoonsatay xadgudubyada xuquuqul insaanka ay geysteen kooxda hawaarinta.

Jan 15, (2013 (QOL) Wasiirka Horumarinta iyo Deeqaha ee Wadanka Britain Lyther Feather Stone (Lynne Featherstone MP International development minister) Wasiiradda Horumarka Caalmiga ayaa warqad ay u dirtay Wargeyska Guardian ku sheegtay in dowlada wadanka UK ay ka warheyso xad gudubyada bani aadanka ka dhanka ah ee Liyu Polisku ugeystaan shacabka Somalida Ogadeniya.

Dowlada UK waxay si xadjir ah uga soo horjeeda xadgudubyada xuquuqda bani aadamka waxaanan ka shaqeynayna anaga iyo qaramada midowbayba sidii xuquuqda shacabka Somalida Ogadeniya loo daryeeli lahaa. Midaas oo ah talada ay soo jeedisay Haayada Xuquuql Insaanka.

Sidoo kale wasiirka waxay sheegtay in lacag aan lasiin doonin Liyu Poliska islamarkaasna aysan jirin lacag horey loosiyay Liyu poliska. Waxayse wasiirku sheegtay in Lacago lasiiyo shacabka Somalida Ogadeniya midaas oo loogu talo galay in lagu horumariyo laguna daryeelo shacabkaas.

Wasiirka ayaa kamid ah Xisbiga Liberal-democrat ee dowlada taladiisa ay wada wadaagan xisbiga Conservative-ka.

Waxaa todobaadkan dowladda Ingiriiska lagu eedeyay in ay lacag siyaan kooxda Hawaarinta ee tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ka gaysta meelo badan oo kamid ah Ogaadeenya arintaas oo warbaahintu aad uga hadashay ilaa hadana socoto baadhitaano & in laga hortago dhibaatada ay Itoobiya ka wado dhulka Somalida Ogaadeenya oo ay samaysay malayshi ay ugu tala gashay in ay baa'biyaan.

Si kastaba ha ahaatee Wargeyska Guardian ayaa daaha ka furay arimo badan oo qarsonaa taas oo ay ugu wayntahay dhaqaalaha ay Dawladda Ingiriisku siito kooxdaas, inkastoo ay Dawladda Ingiriisku iska fogeyeen edayntaas waxaa far ku godan tahay Dawladda Ingiriiska oo talaabada ay arintan ka qadaan lawada sugayo waxaana isha ku haya hay'adaha xuquuqul insaanka u dooda oo arintan u arka in ay tahay xadgudub aad u way taas oo xukuumadda Gumaysiga Itoobiya dhibaatada ay shacabka ku hayso dawlado kale ku garab taagan yihiin.

Shacabka Ogaadeenya ayaa mudaahadaar aad u balaadhan oo arintaas ku saabsan ku horqabtay safaarada Gumaysiga Itoobiya ee London taas oo ay kuu muujinayeen in ay Dawladda Ingiriisku joojiso dhaqaalaha ay sii nayso gumaysiga Itoobiya kaas oo lagu xasuuqayo laguna bara kicinayo shacabka Ogaadeenya oo ay Itoobiya kufsi, dil, & xidhan joogta ah ka wado Ogaadeenya.

Garyaqaan-Garad
Yorkshire
Qorahay Media
Qorahay99@yahoo.com


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online