Jan 25, (2013 (QOL)
Ciyaar aad u xiisa badan ayaa Galabnimadii
manta oo aheyd Khamiis waxa wada
ciyaaray
Labada wadan ee kala ah Ghana Vs Mali, Hadaba labadan wadan
ayaa ahaa laba wadan oo aad iyo aad u ciyaar dheelid macan
oo ay ka buuxaan ciyaartooy ka ciyaaro Qarada Yurub, hadaba
ciyaartan oo aad u kululayd ayaa ciyaarta markii ay maraysay
wareegii koobaad daqiiqadii 38 waxa binalti halay wadanka
Ghana oo guusha ku raacday waxana u ledahay binaltigaas
ciyaar yahanka lagu magacabo Mubarak Wakaso hadaba wareegii
kobaad waxaa lagu kala nastay Ghana oo leh hal gool &
Mali oo eber leh, markii wakhtigii nasiinyada loogu tala
galay ee 15 daqiiqo ay dhamatay ayaa waxa bilowday wajigii
labaad ee ciyaarta Ghana Vs Mali Hadaba ciyaarta oo aad
u xisa badnayd labada wadana goolal badan iska cuneen ayaa
ciyaarta waxa ay ku soo gaba gabowday Ghana 1-0 Mali.


Waxa aan ku jirnaa ciyaarihii African Cup
of Nations waxa isla Group B ayagana wada ciyaaray xalay
labada wadan ee kala ah Niger Vs Dr Congo labadan wadan
oo aad ciyaartooda u kululayd wadan walbana uu radinayay
in uu garoonka sadax dhibcood kala hoydo ayaa waxa ciyaarta
ay ku soo dhamaatay Niger 0- 0 Dr Congo Hadaba sida loo
kala horeeyo Group yadan ayaa waxa hogaaminaayo wadanka
Ghana oo leh 4 dhibcood Mali na waxa ay leedahay 3 dhibcood
Dr Congo waxa ay leeyihiin 2 dhibcood halka Niger ay ka
leedahay 1 dhibic oo kaliya dhamaan Group B waxa u wada
haray hal is arag oo kaliya,
Kala soco Qorahay Media African Cup of Nations haduu alla
ka raali noqdo.
Oogle yare
Qorahay Media
Cape town, South Africa
Sports CAF
qorahay99@yahoo.com