Xulka Kubada cagta ee wadanka Ethiopia oo goolashii ugu badnaa African Cup of Nation oo Cawa looga badiyay.

Jan 26, (2013 (QOL) Waxaa cawa wada ciyaaray wadamada Group C ku wada jire is aragii labaad Group C ayaa waxa ku wada jiro Afar wadan oo kale ah Zambia Vs Nigeria iyo Burkina Faso Vs Ethiopia.

Hadaba ciyaartii koobaad waxa wada ciyaaray labada wadan ee kala ah Zambia Vs Nigeria, Ciyaartan oo aheyd ciyaar aad u xiisa badan ah na is aragii labaad ee Group c wadan walbana uu ku da dalayay sidii sadax dhibcood cawa uga la hoyan lahaa garoonka ayaa markii ay daqiiqadu aheyd 26 waxa Rigoore halay wadanka Nigeria waxana u laday ciyaartooyga canka ah kabtanka wadanka Nigeria na ah waa John Obi Mekel xulka qaranka Nigeria oo ku faraxsanaa rigooradan in ay dhashan doonana madama ay ku kal soonayen laacibkoda Mekel , laakiin se nasiibka uu u diiday in binaltigaas uu dhaliyo waxana lagu kala nastay Nigeria oo ebar leh iyo Zambia oo ayadana ebar leh.

Wareegii labaad markii la isku soo laabtay ayaa waxa gool aad u qurux badan ay haleen shabaqana soo taabsiiyen Xulka qaranka Nigeria daqiiqadu marka ay aheyd 57 waxana goolkan u sixiixay laacibkooda Nabarka 9 laad xirna ee lagu magacabo Emmanuel Emenike.

Waxa ciyaar aad u kulul la soo baxay wadanka Zambia oo gool lagu lahaa markii uu tababaraha xulka Zambia uu badal ku samayay hal mar laba ciyaartooy oo uu soo galiyay laba weerar ah halkaas oo nasiib ay u yesheen xulka Zambia in ay iska bareejeeyaan wadanka goolka kulahaa ee Nigeria daqiiqadii 87 ciyaartana waxa ay ku dhamaatay Zambia 1-1 Nigeria.

Waxaa ayagana cawa wada ciyaaray labada wadan ee kala ah Burkina Faso Vs Ethiopia, ciyaartan ayaa waxa ay aheyd ciyaar aad u kulul oo labada wadanba raadinayay in ay garonka kala tagaan sadax dhibcood oo ah is araga labaad ee group c hadaba ciyaarta marka ay maraysay 34 daqiiqo wareegii horay ayaa gool aad u qurux badan waxa nasiib u yeshay wadanka Burkina Faso oo shabaqa wadanka Ethiopia soo taabsiyay Goolkaasna Burkina Faso waxaa u sixiixay laacibkooda lagu magacabo Alain Traore, hadaaba xulka Ethiopia oo doonayay in ay goolkaas iska soo gudan ayaa taas aysan dhicin.

Daqiiqadii 60 danaad wareegii labaad ciyaarta markii la isku soo laabtay ayaa Xulka qaranka Burkina Faso Gool hayahooda waxa la siiyay Calamada cas markii uu liidinta banankeda oo gacanta ku qabtay banooni la soo tuuray halkaas na uu si toos ah calaamada gududan loo siiyay gool hayaha wadanka Burkina Faso, hadaba Xulka qaranka oo is lahaa waxa ad ka faa iidaysan doontaan jaaniskan ayaa waxa ay noqotay hal bacaad lagu lisay markii laga dhaliyay goolal aad u badan ilaa iyo ciyaraha inta ay bilowdeen waa African cup of Nations xulka wadanka Ethiopia ayaa lagu dur duriyay halkaas oo looga dhaliyay goolal aad u qurux badan Taageerayasha Xulka wadanka Ethiopia ayaa waxa shaashada laga arkayay ayaga oo ilma ka daadanayso iyo qaar kuraasta madaxa ku garacayo iyo qaar garonkaba ka sii qul qulayo oo guryahodii u hoyanayo ayaga oo aad u xanaaqsan hadaba isku soo wada duuboo ciyaartan ayaa waxa ay ku soo gaba gaboow day guushana ay ku raacday wadanka Burkina Faso 4-0 Ethiopia.

Group C ayaa waxa ay kala leeyihiin dhanka dhibcaha sidan Burkina Faso 4 dhibcood, Nigeria 2 dhibcood, Zambia 2 dhibcood, Ethiopia 1 dhibic oo kaliya waana wadanka Group C ugu dhibcaha yar.

Waxaa bari wada ciyaari doono haduu alla idmo Group D oo ku wada jiro wadamada kala ah Ivory Coast Vs Tunisia, Algeria Vs Togo.

Oogle yare
Qorahay Media
Cape town, South Africa
Sports CAF
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online