Warbaahinta Qorahay Media oo dad Ogaadeenya gumeysigu ku soo dhibaateeyey maanta la kulantay.

Jan 26, (2013 (QOL) Waxaa maanta la qorsheynayey inuu ka dhaco degaanka Dhadhaab bannaan bax looga soo horjeedo gumeysiga Ethiopia iyo dhidid dhawrkiisa kaas oo rabey inuu ka dhaco guud ahaan sadexda xero qaxooti ee kala ah Dhadhaab, Dhagaxley, Iffo, & Xagardheer.

Bannaanbaxan ayaa waxaa wadey qorshihiisa Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee ku sugan degaanka dhadhaab, Bannaanbaxan ayaa waxaa markii danbe loo baajiyey sababo naloogu sheegay dhanka amniga oo laga cabsaday inay dad fidna wadayaal ah ka faaiideystaan sida ay Police nagu soo war galiyeen sidaas darteedna waa la joojiyey waxaase jaaliyadda loo fasaxay inay cabashadeeda ku muujiso dhinaca saxaafadda iyo Mediaha iyo inay Saxaafadda ku marti qaadaan meel alle miishii ay doonaan si ay farriintoodu ugu gudbiyaan caalamka.

Waxaa dadkii bannaanbaxa rabey inay ka qeyb qaataan oo ay kamid ahaayeen dhibanayaal hadda uun ka yimid Ogaadeenya walina aan qaadanin karaka qaxootiga la hadlay Saxaafadda oo goob joog aheyd Saxaafadda maanta goob joogga aheyd ayaa waxaa ka mid ahaa idaacadaha kala ah QORAHAY MEDIA. ONA STAR, FM RADIO iyo RADIO ERGO ama IRIN oo intaba warysiyo & barnaamijyo kala duwan ka qaaday gubtii ay dadku isugu yimadeen.

Waxaa saxaafadda la hadlay dad dhibaato loogu geystay Ogaadeenya oo arrintaas darteed uga soo qaxay kuwaas oo u badnaa dumar iyagoo dadkii madasha joogay aad uga oohiyey kadib Markey ka war bixiyeen dhibaatada xuquuqda aadanaha ka baxsan ee loo geystay sida jidhdilka kufsiga dhaca & Barakicinta ay Ciidamada Itoobiya ka wadaan guud ahaan Ogaadeenya oo dad aad u badan ay ku xaraysan yihiin xeryahaas.

Dadkan ayaa marka aad dhageysatid wareysiga ay siiyeeen saxaafadda ayaad si wanaagsan u fahmiaysaa waxa ay Itoobiya tahay oo ah yey aan wax naxariis ah laheyn.

Waxayna Qorahay Media idiin soo gudbin doontaa wareysiyadaas oo maqal ah si aad ula qeybsataan dhibanayaaashaas murugta cadowga ummadda Soomaaliyeed u geystay gaar ahaanna ummadda Ogaadeenya anaga oo dib idiinku soo galin doona haduu allaah ogalaado.

Daljir Keyd
Qorahay Media Kenya
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online