Jan 26, (2013 (QOL)
Shalay oo ay Taarikhdu ku beegnayd 2/01/
2013 ayaa xafiiska Jaal;iyada Ogaadeenya ee Gobolka Victoria
waxaa kulan ku yeeshay maamulka ugu sareeya jaaliyada &
Madax culus oo Dawlada Australia ka socotay, kulankaas oo
aad muhiim u ahaa waxaa Jaaliyada uga qayb aglay Gudoomiyaha
Mudane Hikim Sheikh & Ku xigeenkiisa Mudane Hassan Ahmed-Nuur.
Madaxda
Dawlada Australia & Jaaliyada Ogaadeenya ee Victoria
kulana ay awda yeesheen oo run ahaantii guul u ahaa ayaa
lagu lafo guray wada xoojinta shaqaynta Dawalda & Jaaliyada
Ogaadeenya oo uu xidhiidh aad u wanaagsani ka dhexeeyo.
Mudane Hikim ayaa Madaxda dawlada Australia
ka socotay uga mahad mahadceliyeey hirgilinta kulanka una
fahfaahiyeey waxqabadka Jaaliyada Soomaalida Ogaaadeenya
ee Victoria, Mudane Hikim ayaa ka war bixiyay shacabka Soomaalida
Ogaadeenya ee kunool wadanka Australia gaar ahaan Victoria
& sida ay uga muqdaan wadankooda labad.
Mudane Xikim wuxuu u sheegay madaxda in Jaaliyada
ay u taagan tahay hormarka shacabka ka soojeeda Ogaadeenya
& hormarka wadankooda labaad Australia, wuxuu kaloo
gudoomiyahu shaaciyey dhibaatooyinka & cunaqabataynta
ay Ethiopia ku heyso Soomaalida Ogaadeenya wuxuuna dawlada
Australia u gudbiyay codsi ah in ay baritaan ku sameyso
Ethiopia & xadgudubka xuquuqul insaanka ee ay dhulka
Ogaadeenya ka gaysato Mudane Hikim & Mudane Hassan waxay
kulanka ku soo bandhigeen muqaalo aad argagax & qiiro
u leh.
Madaxda Dawalda Australia matalaysay waxay sheegeen in Jaaliyada
Ogaadeenya ee Victoria ay tahay Jaaliyada qoomiyaadka kala
duwan ee wadanka Australia ku nool aad ugu firfircoon wax
qabadka dadkooda, dalkooda & dalkooda cusub Australia
aad ugu heellan, Madaxda dawlada Australia ka socotay waxay
caddeeyeen in ay aad ugu faraxsanyihiin saaxibtimada ka
dhaxeeysa dowlada Australia & Jaaliyada Ogaadeenya ee
Victoria waxayna balanqaadeen in wadashaqeen & xirirka
ay sii kobcin doonaan kuna daaali doonaan in ay marwalba
Jaaliyada gacan buuxda siiyaan.
Si kastaba ha ahaatee kulanka dhex maray hogaanka Jaaliyada
Ogaadeenya ee Victoria & Madaxad Dawlada Australia ayaa
noqonaya mid kor u sii qaada wada shaqaynta & xidhiidhlka
dhaw ee labada dhinac ay leeyihiin wuxuuna kulankaasu ku
soo gabagaboobay guul & is afgarad.
Leyla Abdi
Qorahay Media
Melbourne, Victoria
qorahay99@yahoo.com