Xadgudubyada ay shacabka Ogaadeenya gumaysiga kala kulmaan waa xanuun joogto ah wado aan xoriyad ahayn oo lagaga gudbi karaana ma jirto.

Jan 26, (2013 (QOL) Waxaa waddanka Ogaadeenya ka socda xasuuq baahsan oo ay Askarta Itoobiya ku hayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsanin, waxaana Xeryaha Qoxootida ee ku yaalka dalka Kenya ku sugan kumanaan dadka dhibaatada loo gaystay ka mid ah oo Ogaadeenya ka soo baro kacay dadkaas oo sida ay Warbaahinta Qorahay Media u xaqiijiyeen ka soo cararay xadgudubyo ay Askarta Itoobiya kula keceen.

Waxaan Wareysi la yeelanay midkamid ah Gabdhaha Ogaadeenya oo dhibaatadii loo gaysatay ka sheekaynaysa taas oo ruuxii dhagaysta ee damiir bani aadaminimo ku jiro qalbi xanuun & murugo ku abuuraysa.

Hadaba iyadoo dhibaatada shacbka Ogaadeenya ay gumaysiga Itoobiya kala kulmaan aan la soo koobi karin lagana war qabo waxaannu dhamaan Bulshadda gabadhaas dhagaysanaysa ka codsanaynaa in la taageero shacabka Ogaadeenya ee dulman lana garab istaago halganka gobanimo doonka ah ee shacabka Ogaadeenya gumaysiga lagaga xoreynato mana jirto wado kale oo dhibaatada joogtada ah lagaga gudbi karo.

Halkan ka dhagayso gabadha dhibaatadii loo gaystay ka waramaysa fadlan jawaab ka bixi ficilooyinka aan loo dul qaadan karin ee sida joogtada ah dadka nugulka ah loogu gaysto

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online