Jan 26, (2013 (QOL)
Wararka gudaha Ogaadeenya laga helayo ayaa
sheegaya dagaal xoogan oo ay Ciiddanka Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya ay maxaysatada Tigreega ku qaadeen, dagaalkaas
oo ahaa weerar qaadmo ah oo si qorshaysan loo fuliyay ayaa
ka dhacay meesha lagu magacaabo Oda oo Magaalada Jigjiga
u muuqata.

Dagaalkaas oo dhacay 25/01/2013 ayaa cadowga
si weyn loogu wiiqay waxaana si aad ah loo jabiyay ciidanka
gumaysiga oo marka la weeraray wadada marayay ayaa si aad
ah ciidanka gumaysiga loogu naafeeyay waxaana la xaqiijinayaa
in uu dagaalkaasu saamayn balaadhan Magaalada Jigjiga ku
yeeshay si weyna looga dareemay.
Si kastaba ha ahaatee dagaalada todobaadadii
u dambeeyay Ogaadeenya ka socda waxay si weyn u muujianaan
cududa & tayada sare ee CWXO & sidoo kale diciifnimada
askarta gumaysiga Itoobiya ee mooraal jabku hadheeyay.
Dhimbil Guure
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.comaabo