Iska hor imaad ay dad badani ku dhinteen oo Dalka Masar ka dhacay.

Jan 26, (2013 (QOL) Iska Hor imaad kadhacay Masar oy ku dhinmatay in kabadan 26Ruux.
Waxaa wadanka Masar Mar Sadexaad ka Soo cusboonaatay Iska Hor imaadyo udhaxeeya Ciidamada Booliska wadankaasi iyo Boqolaal Shacab ah oo Cadheeysayn.

iska hor imaad ka dhacay maanta Magaalada Boor-saciid waxaa ku dhintey inkabadan 26Ruux Halka Dhaawucuna kabadan yahay 200 oo Ruux.

Rabshadahan ayaa bilowday kadib markii ay maxkamad ku Taala Boorsaciid ay Xukun Dil ah kuriday 21 eedaysane oo mudo Sanad ah ku Dhawo ku jiraay jeelka dhexe ee boorsaciid. ku waasi oo lagu eedanhayay inay ku lug lahaayeen Rabshado kadhacay Garoonka boorsaciid Sanadkii la soo dhaafay, Shaqaaqadaasi ay ku dhinteen in ka badan 70 ruux.


Wasaarada Arimaha Gudaha ee wadankaasi Masar ayaa sheegtay in Dadka maanta dhintey ay ku jireen Labo Sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada booliska wadaankaasi.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.comaabo

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online