Jaaliyada Somalida Ogadenia Ee London Oo Shir Balaadhan Iskugu Timid.

Jan 27, (2013 (QOL) Waxaa maanta oo ay taarikhdu tahay 26/1/2013 ka dhacay wadanka Ingriiska gaar ahaan magaalada London kulan bileedkii Jaliyada Somalida Ogadenia ee magaaladan London.

Kulankan oo ah mid dhaca bishiiba mar waxaa lagu qimeeyaa lagagana hadlaa jaaliyada wixii u qabsoomay ay sameeyeen bishan. Waxaana ka mid ahaa waxyaabahay Jaaliyadu ku guulaysatay bishan mudaaharaad baladhan oo ay ku qabteen safaarada itoobiya hortiisa, sido kale ineey joornalada wadankan UK qoraalo cabasho ah iyo arimo ku saabsan hawaarinta iyo lacagta ay UK ugu deeqdo itoobiya lagu cadeynayo oo lagu soo daabacay joornaalada ugu waaweeyn ee wadankan UK.

Kulankan waxaa joogay dhamaan xubnaha Jaliyada Somalida Ogadenia ee magaaladan London, waxaa iyaguna joogay oo ka qaybgalay kulankan Hoggaanka HAAB Xaaji Maxamed Cabdi Yaasin iyo Gudomiye ku xigeenka labaad ee Warfaafinta Dr Badal Xassan oo safar shaqo ku jooga wadankan Ingriiska.

Mudane Xaaji Maxamed Abdi Yaasin Diirane ayaa meesha ka soo jeediyay khudbad ku saabsanays safarkiisii wadanka Konfur Africa oo uu ku maqnaa mudo guulo badan ka soo hoyiyay markii uu kulamo badan la yeeshay dhamaan Jaaliyaadka Ogaadeenya ee dalka Konfur Africa.

Waxaa iyaguna meesha marti sharaf ku ahaa suxuufiyiin caalami ah oo aad u xiseeya qadiyada iyo Halganka Somalida Ogadenia. Xubnihii meesha joogay ayaa si fiican uga qaybqaatay barnaamijka ay suxufiyuunta wadeen.

Isku soo wada duuboo shirkan ayaa kusoo dhamaaday jawi aad u fiican.
Guul&Gobanimo.

Khadra Abdi
Qorahay Media
London,UK
qorahay99@yahoo.comaabo

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online