Jan 27, (2013 (QOL)
Wali waxaa wadanka South Africa si habsami
leh uga socdo African cup of Nation waxana shalay soo gaba
gaboobay is aragii labaad ee xululka isku Group ka ah waxaa
shalay wada ciyaaray Group D, Wadamada Group D ku wada jiro
ayaa waxa ay kala yihiin Ivory Coast Vs Tunisia, Algeria
Vs Togo
Ciyaartii u horaysay waxay dhax martay labada wadan ee kala
ah Ivory Coast Vs Tunisia.

Ciyaartan ayaa aheyd ciyar aad u kulul una
xiiso badan madama labada wadan ee wada ciyarayayba ay ka
mid yihiin wadamada looga shaki qabo in ay cup ka gurigooda
la adi doomaan, hadaba Xulka qaranka Ivory Coast ayaa awood
u shegtay xulka qaranka Tunisia goolkii ugu horayay ee xulka
qaranka Ivory coast waxa u sixiixay ciyaartoyga lagu magacabo
Gervinho wuxuuna golkaas dhaliyay ciyaartu markii ay socotay
21 daqiiqo.
Waregii
kobaad ayaa ciyaarta waxa lagu kala nastay Ivory Cost hal
gool Tunisia eber, markii la isku soo laabtay ayaa labada
wadanba waxa ay kenan warar oo wadan walba raadinayo in
uu garoonka kala tago sadax dhibcood balse nasiibku ma uusan
saacidin, wadanka Tunisia markii daqiiqadii 88 gool aad
u qurux badan uu dhaliyay ciyaaryahanka Yaya Toure.
Laba daqiiqo kadib ciyaarta ayaa hadana waxa
gool kii sadaxaad ay haleen xulka qaranka Ivory coast waxana
goolkaas sadaxaad u dhaliyay ciyaaryahanka lagu magacabo
Didier konan ciyartan ayaa waxa ay ku soo gabagaboowday
Ivory Coast 3-0 Tunisia, waxaa ayagana wada ciyaaray xulka
wadanka Algeria iyo Togo ciyartan ayaa ay aheyd ciyaar aad
u xiiso badan oo labada wadanba la yimadeen ciyaar aad u
macan oo soo jiitay indhaha daawadayasha, garoonka oo ahaa
garoon aad u camireen tageerayasha labada wadanba ayaa nasiib
waxa u yesheen xulka qaranka Togo in gool aad u qurux badan
uu u sixiixo ciyaartooyga caanka ah ee aad wadataqaanan
waa Emmanuel Adebayor daqiiqadii 32, wareegii koobaad ayaa
lagu kala nastay Algeria oo leh eber iyo Togo oo leh hal
gool.
Wareegii
labaad markii lagu so laabtay ciyarta ayaa hadana nasibka
saciday dhamaadkii ciyaarta in ay gool labaad halaan xulka
wadanka Togo waxana u sixiixay ciyaartoga lagu magacabo
Dove Wome daqiiqadi 90 naad ciyaartan ayaa waxa ay ku so
gaba gaboowday Algeria 0-2 Togo, Group kan D ayaa waxa hogaaminayo
xulka qaranka Ivory Coast oo leh 6 Togo ayaadana waxa ay
ledahay 3 dhibcood, Tunisia na waxa ay ledahay 3 dhibcood
mesha Algeria ka ledahay eber oo hal dhibic xitaa malahan.

Isku soo wada duuboo manta manta ayaa is aragii
sadaxaad ee Group yada waxa wada ciyaari doono wadanka Kobka
marti galinayo ee South Africa Vs Morocco iyo Cape Verde
Vs Angola, hadaba hadii aad xiisaynayso ciyaraaha African
Cup of Nation Qorahay Media kala soco.
Oogle Yare
Qorahay Media
Cape Town, South Africa
Sports CA
qorahay99@yahoo.com