Ciidamada Kenya ee Magaalada Kismaayo ku sugan oo bilaabay hawlgal ay ku soo qabqabanayaan ciidamo la sheegay in uu iska hor imaad magaaladaas ku dhex maray

Jan 27, (2013 (QOL) Wararka haatan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose a naga soo gaadhaya ayaa Sheegaya in Ciidamada Wadanka Kenya ee AMISOM ka midka ah kuna sugan Magaaladaasi Kismaayo ay hadda Magaaladaas kawadaan Hawlgal Military oo ay ku soo qabqabanayaan Ciidamo ka kala tirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ururka Raaskaambooni, kuwaas oo habeenkii xalay ahaa ku dagaalamay Xaafada Farjanno ee Magaalada Kismaayo.

Ilo wareedyo xog ogaal ah oo lahadlay Warbaahinta Qorahay Media ayaa sheegaya in ay Ciidamada Kenya haatan wadaan hawlgal xawli ku socda soona qabteen qaar kamid ah Ciidamadii labada dhinac ee Dagaalamay qaar kalana ay ku raad joogaan iyadoo uu Afarta Xaafadood ee Magaaladaba Hawlgalku si adag uga socdo.

Ciidamadan la ugaadhsanayo ayaa lagu soo waramayaa inay Habeenkii xalay ku dagaalameen Gudaha Magaalada Kismaayo kadib markii Ciidamo katirsan kuwa Raskamboni ay Qori xoog kaga qaateen Askari katirsan kuwa Dowlada Soomaaliya, isla markaasna ay Ciidamada Dowladu arrintaas ka cadhoodeen Dagaalkuna sidaas ku dhacay waxaana la sheegayaa in ugu yaraan 2 Askari oo Kaambooni ah ay Dagaalkaas ku dhinteen.

Isku soo wada Uruuriyoo waa markii ugu horey oo isku dhac noocan ahi dhexmaray labadan dhinac balse waxaa lasheegayaa in Maamulka KMG ah ee haatan ka Arrimiya Magaalada Kismaayo ay amreen in deg deg loosoo qabqabto Ciidamadii Dagaalku dhexmaray sidaasna ay kuwa Kenya Hawlgalka ku qaadeen.

Waxii kasoo kordha dib ayaan ka soo gudbin doonaa hadii Alle Idmo.

Noor Mohamed
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online