Jan 27, (2013 (QOL)
Ciidamda Maxeysatada Gumeysiga Itoobiya
ee nacabka ah ayaa xasuuq wadareed cusub ka gaystay meelo
Ogaadeenya ka mid ah, sida ay wararku nagu soo gaadheen
waxay ciidanka gumaysigu xasuuqaas ka gaysteen meelo Gobolka
Nogob ka mid ah oo kala ah Feedhacade, Orey & Dalalaha.
Ciidamada
Gumeysiga Itoobiya ee bahaloobay kuna nool dhiiga shacabka
Somaalida Ogaadeenya oo ku fashilmay dagaalada ay iskaga
hor yimaadaan Ciiddanka Waddaayaa Xoreynta Ogaadeenya ayay
awoodoodu ku ururtay gumaadka dadka nugulka ah ee aan iska
difaaci karin waxay halkoodii wadaan guumaadka & falalka
bahalnimada ah ee shacabka ku hayaan.
Hadaba wararkii udambeeyay ee gudaha wadanka Ogaadeenyaayaa
sheegihayay in maleeshiyaadka Tigreegu gumaad ka geysteen
deegaanada kor ku xusa, shacabka la gumaaday oo aad u tiro
badan ayay qaar ka mid ah y magacyadoodu nasoo gaadheen
waxayna kala yihiin.
1- Axmed Cabdi Cumr (Axmed Sacad)
2- Daahir Xassan Cabdullaahi (Daahir Boodhle)
3-Sheekh Xuseen Kaliya.
Ciidamada
nacabka ah ee gumaadkaas geystay ayaa ka soo kala baxay
Magaalada Fiiq ee Xarunta Gobalka Nogob & Dagmada Dhaxmadoow
oo Gobalka Jarar ka mid ah waxayna markii ay xasuqa gaysteen
nolol kula tageen ilaahaatana aan raq & ruux toona la
haynin dad tiradoodu ay kor u dhaafayso 45 ruux oo shacab.
Si kastaba ha ahaatee cidamada gumaysiga Itoobiya ayaa
falalkan arxandarada ah dadka shacabka ah kula kaca mar
kasta oo dagaalada CWXO & gumaysiga dhex mara waana
falal aar goosi ah, ciidanka gumaysiga ayaa dhawrkii todobaad
ee u dambeeyay waxaa ku dhacay dharbaaxooyin culculus &
weeraro isdaba joog ah ilaa haddana socda oo CWXO ay guamysiga
ku xidid siibayaan.
Xasuuqa dadka shacabka ah ee aan waxba galabsanin ay ciidanka
dhiig miiratada ah ee gumaysigu u gaysteen & xaaladaha
kala duwan ee Ogaadeenya wixii ka soo cusboonaada Qorahay
Media kala soco.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com