Jan 27, (2013 (QOL)
Wararka naga soo gaadhaya Caasimada Soomaaliya
ee Muqdisho ayaa sheegaya Wariye Cabdicasiis Koronto oo
Booliska Soomaaliya ee Muqdisho ka hawl gala ay todobaadkii
hore xidheen in maanta loo dhaadhiciyay Xabsiga dhexe ee
Muqdisho, Wariye Koronto ayaa la xidhay kadib waraysi uu
ka qaaday Haweenay sheegtay in ay rag Ciidamada Booliska
Soomaaliyeed ka tirsani faro xumeeyeen.
Wararku
waxay intaas ku darayaan in aan wax maxkamad ah wariyaha
la hor gaynin waxaana xadhiga Wariye Cabdicasiis Koronto
aad uga cadhooday dhamaan Wariyaasha ka shaqeeya dalka Soomaaliya
gaar ahaan kuwa ka hawl gala Magaalada Muqdisho, Saxafiyiintu
waxay sheegeen in ay sharci daro tahay in qof aan Maxkamad
la saarin loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe.
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ka hawl
gala waxay Wasaarada Warfaafinta Dowlada dhexe ee Soomaaliya
ka codsadeen in ay arinta Wariye C/Casiis Koronto wax ka
qabato.
Noor Mohamed
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com