Jan 27, (2013 (QOL)
Afhayeenka Jabahdda Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya Mudane Cabdiqadir Sh. Xassan Hiirmooge (Caddani)
oo maalmihii u dambeeyay gobolda Dalka Australia safaro
shaqo ku marayay ayaa malinti sabtida 26 January 2013 soo
gaaray Magaalada Melbourne ee xarunta Gobalka Victoria.
Booqashada
Mas’uulka ayaa ka mid ah kulamada ay madaxda JWXO
layeelanaan Jaaliyada Ogaadeenya ee dunida dacaladeeda ku
baahsan, Mudane Caddani ayaa kulankiisi ugu horeey layeeshay
ururka Hawenka Soomaalida Ogaadeenya ee Victoria wuxuuna
uga warbixiyay halganka hubaysan ee dadka & dalka Ogaadeenya
lagu xoreynayo & dhacdooyinkii dagaal ee ugu dambeeyay
oo uu sheegay in cadowga si weyn loogu jabiyay.
Mudane Caddani wuxuu ku nuuxnuuxsaday guulaha
aan la qiyaasi karin ee ay Ciiddanka Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya goobaha dagaalka ka soo dheelmayaan wuxuuna sheegay
in ay ciidamada gumaysigu si dhab ah u niyad jabeen lagana
dhufaanay qabkii & isla waynidii beenta ahayd ee gumaysiga
Abasiniya uu caanka ku ahaa.
Mudane Caddani oo warbixin waafi ah oo dhinacyo badan taabanysay
dumarkii kulankaas ka qayb galay siiyay ayaa tilmaamy in
halganka Ogaadeenya lagu xoraynayo uu hab isu dheeli tiran
ku socdo wuxuuna si aad ah u amaanay guud ahaan haweenka
Ogaadeenya oo uu sheegay in yihiin quwad & xoog dhab
ah oo aan cidi is hor taagi karin.
Mudane
Caddani oo hadalkiisa si aad ah loogu qushuucay dhaguhuna
ay jeclaysanayeen wuxuu carabka ku adkeeyay in ay haweenka
Ogaadeenya ehel & hoy dhab ah u yihiin halganka gobanimo
doonka ah ee ay JWXO hormuudka u tahay wuxuuna ku tilmaamay
udub dhexaadka ay dhamaan hawlaha halganku ku tiirsan yihiin
kana shidaal qaataan.
\Mudane Caddani gabagabdii halkiisa wuxuu
haweenka Ogaadeenya ku boorriyay in ay sii laban laabaan
dadaalka faraha badan ee ay mar walba ugu jiraan garab istaag
halgankooda, Ururka Hawenka Ogaadeenya ee Gobolka Victoria
oo ah lafdhabarka Jaaliyada Ogaadeenya ee gobolkaas ayaa
dhankooda Mas’uulka u mahad celiyay waxayna balan
qaadeen in ay si aad ah u dardar galin doonaan hawlaha Jaaliyada
& garab istaaga halganka xaqa ah ee Ogaadeenya ka socda.
Isku soo wada duuboo kulanka ayaa ku dhamaaday
jawi wanaagsan oo aad u farxad badan wuxuuna Mas’uulku
kulamo la yeelan doona qaybaha kala duwan ee bulshada Ogaadeenya
& walaalaha Soomaaliyeed hadii uu Eebbe ogolaado.
Leyla Abdi
Qorahay Media
Melbourne
Qorahay99@yahoo.com