Ururka Midowga Dhalinyrada iyo Arday Ogaadeenya ee dalka Finlad oo shir muhiim ah isugu yimid

Jan 27, (2013 (QOL) Maanta oo ay taariikhdu tahay 26/01/2013 ayaa Ururka OYSU laantiisa Finland ay isugu yimaadeen shir weyn oo si heersare ah loo soo agaasimay, abaarihii 3:00 galabnimo ayuu shirku furmay kana furmay hool weyn oo kuyaala badhtamaha magaalada Helsinki.

Shirkan ooy dhalinyaradu isaga kala yimaadeen dhamaan gobolada dalkan, Aayado Qur'aan iyo wacdi diiini oo uu soo jeediyey sheekh Saalax kadib ayaa laguda galay muhiimadii laysugu yimid, Xoghaya ururka Mudane Yuussuf ayaa shirka furay kana warbixiyey ujeedada iyo muhiimada uu shirku leeyahay isagoo isla goobta ku qaadaa dhigay qorashaha OYSU Finland ee 2013ka.

Waxaa xigay intaa siminaar aad muhiim u ah aadna ay ula dhaceen dhalintii iyo dadwaynihii goobta joogay oo uu soo jeediyey muddane C/Rashiid Yuusuf oo ah hogaanka Xuquuqul Insaanka iyo xiriirka caalamiga ah ee OYSU Finland, Muddane C/Rashiid ayaa Siminaarka ku soo bandhigay maqalo iyo muqaalo ka tarjumaya xadgudubyada ka dhanka ah Binii aadnimada ee ay Itoobiya kula kacdo shacabka Ogaadeenya.

Hadaba shirkan oo ahaa mid si wanaagsan loosoo agaasimay inabadana laga soo shaqeeyey ayaa waxaa Khadka talefanka soo galay Xildhibaan Daahir Rayaale Xaamud oo si aad ah ugu baraarujiyey dhalinta sidii ay wax u baran lahaayeen una garab istaagi lahaayeen shacabkooda dulman.

Waxaa aan meesha ka maqnayn qudbadihii Masuuliyiinta Jabahdda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo Jaaliyada Somaalida Ogaadeenya ee dalka Finland sida gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Xassan Kamaal, Muddane Axmad Carays iyo Mudane Digaale oo dhamaantoo warbixino lagu diirsaday shirka ka jeediyay.

Isku soo duuboo shirka ayaa waxaa lagu soo gabageeyey Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaalida Ogaadeenya oo ay soo bandhigeen dhalinta OyYSU Finland oo uu hogaminayey calankan u siday Halgame Shaafi.

Khadar Guulside
Qorahay Media
Helsinki, Finland
qorahay99@yahoo.com

 

 


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online