Mudane Caddani oo Jaaliyada Ogaadeenya ee Magaalada Melbourne manta shir balaadhan la yeeshay.

Jan 27, (2013 (QOL) Sidaanu warkii hore ku sheegnay Afhayeenka Jabahdda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya Mudane Cabdiqadir Sheikh Xassan Hiirmooge (Caddani) oo hawlo shaqo ku marayay qaar ka mid ah Gobolada Dalka Australia ayaa kulamo kala duduwan la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada Ogaadeen a ee gobolka Victoria gaar ahaan Magaalada gobolkaas xarunta u ah ee Melbourne.

Maanta oo Axad ah taariikhduna ay ku beegantahay 27 January 2013 Caddani shir balaadhan la yeeshay qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Ogaadeenya ee Magaalada Melbourne, shir kaas oo si heersare ah loosoo agaasimay ayna soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Somalida Ogadenia ee Victoria , kana soo qeybgaleen dadweyne aad u badan ayaa si aad ah loogu soo dhaweeyay Afhayeenka JWXO Mudane Caddani.

Shirka waxaa si balaadhan uga dhex muuqday Ururka OYSU Melbourne, Ururka Haweenka iyo ururka Odayaasha Ogaadeenya, shirkaas oo ujeedadii loo qabtay ay ahayd in Mas’uulka warbixino laga dhagaysto waxaa iyaguna goob jog ka ahaa si diirana loo soo dhaweeyay Gudoomiyihii hore Jaaliyada Soomalida Ogaadeenya Waddanka New Zealand Mudane Ciid iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeenya ee Sydney Halgame Sheikh Fatxi Muxumed Khaliif.

Waxaa Shirka lagu furay aayadaha qur’aanka kariimka ah oo u akhriyey Halgame Libaan Cabdullahi waxaanaa Muxaadaro qiimo badan ka jeediyay Sheikh Fatxi, Maxadarada sheikh oo aad loo jeclaystay ayay dadweynihi shirka ka qayb galay quluubtooda gilgishay waxayna Maxadaradu ku saabsanayd kana turjimaysay Halganka Gobanimadoonka ah ee ay JWXO majaraha u hayso.

Waxaa ugu horeyn shirka ka hadlay gudoomiyaha Jaaliyada Melbourne Mudane Hikim Sheikh Cabdullahi oo u mahadceliyey dhamaan shacabka ka soqeybgalay shirka isla markaasna faahfaahin dheer ka bixiyay wax qabadka Jaaliyada ee sanadkii 2012, waxqabadkii Jaaliyada Victroia ee sanadkaas waxaa ka mid ahaa dhabarjabintiin kalkaaliyaasha gumaysiga Ethiopia ee wadanka Australia loo soo madalufiyay waxaana si aad ah loo xusuustaa wacdarihii iyo cashiradii loo dhigay Abdi Ubo adeegayaashiisa oo magaalada Melbourne booqasho ku yimid wadhina ay ak raacday guud ahaan Australia.

Waxaa lagu soo dhaweeyay Makarafoonka Sayid Dhuux oo matalayey ururka Odayaasha Ogaadeenya wuxuuna shaaca ka qaaday Odayaasha uu afkooda ku hadalyo in ay halganka ay JWXO hogaaminayso si weyn u taageersanyihiin wuxuuna dadweynihii shirka ka soo qayb galay ku dhiiri galiyay in ay si muuqata u taageeraan ina agrab istaagaan halganka Ogaadeenya ka socoda oo uu cadeeyay in uu xaq yahay dhamaan dadka Ogaadeenya u dhashayna uu waajib ku yahay.

Waxaa isna macrafoonka lagu soo dhaweyey halgame Gudomiyihi hore ee Jaaliyada Ogaadeenya ee New Zealand Ciid, Halgame Ciid ayaa fahfaahin ka baxiyey wax qabadkiisa mudada uu Jaaliyada Mas’uuliyadeeda hayay iyo waxayaalaha u lakulmay mudadii uu taageersana halganka xaqa ah Mudan Ciid ayaa si kooban u gudmaray Taarikhda Ogaadeenya.

Luul Cabdi Macalin oo ah gudoomiyaha Ururka OYSU Melbourne ayaa ka warbixixisay wax qabadkii dhalinyarada sanadkii la soodhaafay iyo abaabulka ay wadaan sanadkaan bilowga ah ee 2013, intaas dabadeed waxaa Macrafoonka si diiran loogu soo dhaweeyay Mudane Cadani oo kulamo kala duwan magaaladaas ku qabtay, safarka Mudane Caddani wuxuu ka mid yahay kulamada abaabul iyo warbixineed ee madaxda JWXO ee ay layeelanayaan Jaaliyadaha Ogaadeenya ee dunida dacaladeeda dagan.

Mudane Caddani ayaa warbixin dheer ka bixiyeey Halganka xaaladihiisa kala duwan, heerka marayo iyo xalada wadanka Ogaadeenya kusuganyahay, waxaa kale oo uu Mudane Caddani fahfaahin ka bixiyey dagaaladii u dambeeyay ee dhex maray CWXO ee geesiyaasha ah iyo askarta daalan ee gumeysiga Ethiopia.

Mudana Caddani ayaa dadkii shirka ka soo qaybgalay bayaamiyay in halganka ay JWXO hogaaminayso uu maanta marayo heer caalami ah laguna naaloon karo isagoo dhanka kalana daaha ka qaaday jabka culus ee gumaysiga dagaaladii ugu dambeeyay lagu gaadhsiiyay oo uu sheegay in ayasn ka soo qaasan doonin.

Isku soo wada duuboo shirkii ayaa ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan shacabkii shirka ka sooqybgalayna waxaa ka muuqatay farxad iyo kalsooni dhab ah dhanka Halganka.

Leyla Abdi
Qorahay Media
Melbourne, Victoria
qorahay99@yahoo.com


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online