Jan 28, (2013 (QOL)
Kulan khadka taleefanka ah (Conference
call) ooy maanta isugu yimadeen, Gudiga fulinta Oysu, Gudiga
qaarada waqooyiga maraykanka, iyo xoghayayaasha urur hosaadyada
North America dhamaantod. Kulankan oo ujedooyinka loo qabtay
ay farabadnayeen, ayaa lagu lafa guray waxyaaba badan ooy
oogu horayso Shirwaynaha Guud ee OYSU oo hadi uu Allaha
ogolaado, lagu qabandoono carriga Maraykanka gaar ahaan
San diego California marka ay tariikhda ku beegantahay 22-MAY-2013
(22 MAY-27).
Dhalinyarada
iyo Ardayda Somalida Ogadeeniya ee North America aya aad
oogu faraxsan in ay nasiib u yeshen, inay marti galiyaan
Shirwaynahas guud ee Oysu oy u arkaan inay u tahay fursad
qaali ah oo albaabka ooga so gashay, iyaga oo aaminsan in
shirkani uu noqondoono mid kor usi qaadi doona abaabulka
qaarada gabi ahaanba.
Iskuso wada duubo waxa gabi ahaanba qaaradaha adduunka
ka socda abaabul farabadan oy wadaan Ururka Midowga Dhalinyarada
iyo Ardayda Somalida Ogaadeeniya meelkastoy jogaan iyo marxalad
walba oy kujiraan intaba. waxa kaloy gabi ahaanba u shin
tirinayaan shirwaynaha oo lagu wado inay ka so qaybgalaan
dhalinyaro aad ufara badan insha Allah oo aduunka oo dhan
isaga iman doona.
Jabarti Ismaciil
Qorahay Media
Seattle Washington, USA
qorahay99@yahoo.com