Ururka OYSU Melbourne oo kulan layeshay afhayiinka JWXO Mudane Abdiqadir Cadani Hirmooge.

Jan 28, (2013 (QOL) Ururka OYSU Melbourne ayaa kulan layeshay afhayiinka JWXO mudane Cadani Hirmooge. Kulankaan ayaa ahaa mid fursad u ah ururka oo runtii dhaqdhaaq xoogan kawada gobalka Victoria, magaaladda Melbourn.

Labadiisno ee ay OYSU-Melbourne jirtay waxa ey muujiyeen dadaal iyo hormar aad loogu diirsaday ayaga oo wax qabadkoodu yahay mid laga dareemayay dhamaan aduunka oo dhan mudan yihiin in laga daydo.

Mudane Cadaani ayaa si aad ah ugu farxay waxqabadka OYSU-Melbourne ugana mahad celiyay dadaalkooda joogtada ah ee maalin iyo habeenka ka wadaan goobaha ay ku sugan yihiin. Mudana Cadaadi wuxuu si guud ugu mahad celiyay urur weynahay OYSU oo mudadii uu jiran muujiyay dadaal lagu wada diirsaday isaga oo dhalinta OYSU guud ahaan gaar ahaan kuwa Melbourne u sheegay in dadaalka iyo hawsha ay ka wadaan Melbourn tahay mid madaxda JWXO aad ugu faraxsanyihin.

Sidoo kale wuxuu mudane Cadani kula dardaarmay in ey OYSU Melbourn sii kordhiyaan 1) Abaabulka dhalinyarada soo koreysa, 2) in ey xirirka Dowlada iyo hay'adaha xaquuqul insaanka siikordhiyaan, 3) in ey kordhiyaan hida iyo dhaqanka Ogadenia 4) in ey siixoojiyaan wadashaqeynta Jaaliyada.

Kulankaan ayaa ahaa midkii labaad ey layeshaan Mudane cadaani ayagoo fursad u helay in ey fikirkooda u soo bandhigaan Mudane Cadani madama madaxda Jwxo ka midyahay. OYSU Melbourn ayaa ka codsaday Mudane Cadani in ey jeclaan lahaayeen in 6 bilood ama sanadkii layeshaan kulankaan oo kale Madaxda Jwxo.

Isku soo wada duboo safarka uu mudana Cadaani ku marayo dhamaan Gobalada ay ka kooban tahay Dalka Australia ayaa aad loogu wada riyaaqay dhamaan Jaaliyaadkuna aad u soo dhaweyeen isaga oo kulan kulmahay dhamaan ururada bulshada Ogaadeenya oo siiyay fursad ay aad ugu baahnayeen in ay isku xog waraystaan taas.



Leyla Abdi
Qorahay Media
Melbourne
qorahay99@yahoo.com


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online