Jan 29, (2013 (QOL)
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka
Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Mudane C/kariim
Xusseen Guuleed, waxaa kale oo kamid ahaa wafdigan Dowlada
kasocday Wasiirka Gaashaandhiga Mudane C/xakiim Xaaji Maxamuud
Fiqi, waxaana lasheegayaa in wafdigan si aad u diiran loogu
soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo isla markaasna ay Kulamo
laqaadanayaan Maamulka Magaalada Baydhabo, Saraakiisha Ciidamada
Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ciidamada Gumaysiga Ethiopia
ee Baydhabo kusugan.
Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Wafdigan socdaalkoodu
ku wajahnaa Maamul goboleed lasheegay in laga samayn doono
Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya, walow aan la cadaynin
tirada Goboladan larabo in Maamulka loo sameeyo.
Isku soowada uruuriyoo Wafdigan Maanta gaadhay Magaalada
Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaan lasheegin mudada ay
sii joogi doonaan Magaaladaas Baydhabo, hase yeeshee waxaa
lasheegayaa in markii ay Booqashadani u dhamaato ay u sii
bixi doonaan Gobolo iyo Degmooyin hor leh oo Dalka kamid
ah.
Waxii kasoo kordha war dib ayaan kasoo gudbin doonaa hadii
Alle Idmo.
Noor Mohamed
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com